Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada Caalamiga ah ayaa howlgal ka dhacay degaanka Shaw ee galbeedka gobolka Hiiraan ku dilay 20 ka mid ah Khawaarijta.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday Gaari nooca Homey-da loo yaqaanna ah oo ay saarnaayeen malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.
Maleeshiyaadka la laayay ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka soo firxaday howlgalkii shalay ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoos tagta degmada Mahaddaay ee gobalka Shabeellada dhexe.
——————————————————————————————————————————————CIIDANKA JUBBALAND IYO ATMIS OO BURBURIYAY GOOBO AY KU DHUUMAALEYSANAYEEN KHAWAARIJTA
Kismaayo- Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa howlgalka ATMIS ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgallo ka dhan ah kooxda khawaarijta ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxay Saraakiisha hoggaamineysay sheegeen in bartilmaamedkoodu ahaa inay gacta mariyaan goobo lagu sheegay inay ku sugan yihiin xubno katirsan Khawaarijta.
Dowladda Federaalka, Ciidamada maamul goboleedyada, dadka deegaanka iyo saaxiibbada beesha caalamka ayaa in dhowaalaba waday dagaallo xooggan oo ka dhan ah Khawaarijta iyadoo laga gaaray guulo wax ku ool ah.
HOWLGALLADII UGU DAMBEEYAY EE KA DHACAY GOBOLLADA DALKA OO KHWAARIJTA LOOGA DILAY 144 DHAGAR QABE
Hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobollada Mudug, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan ayaa kooxaha khawaariijta looga dilay in ka badan 144.
Ciidanka XDS ayaa howlgal ay kusoo afjareen koox khawaariij ah oo weerartay guri ku yaal degmadda Cabdi casiis ee gobolka Banaadir waxay ku dileen afar xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta.
Deegaan u dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayay 14 xubnood isaga dileen khawaariijta, iyagoo iska dhaawacay tiro intaas ka badan, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay taliyaha Ciidanka lugta ee XDS.
Sidoo kale, deegaanka Shabeellow oo u dhow Qayacad ayaa duqayn iyo hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka, saaxiibbada Soomaaliya iyo xoogagga deegaanku waxay ku dileen 80 dhagarqabe.
Deegaanka Cadaley oo u dhow degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa sidoo kale lagu dilay 42 ka tirsanaa khawaariijta, sida noo sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.
Ciidanka xoogga dalka ayaa deegaan ku dhow Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose waxay ku dileen 4 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta.
————————————————————————————————————-CIIDAMADA OO SOO AFJARAY WEERAR KHAWAARIJ KU SOO QAADAY GURI AY KU SUGNAAYEEN DAD SHACAB AH
Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar Koox Khawaarij ah ay ku qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.
Abaaro 3:00PM ee Galabta ayaa koox ka tirsan Khawaarijtu waxa ay soo weerareen Guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis oo ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah.
Nafti hallige ka tirsanaa Kooxda Khawaarijta ah ayaa isku qarxiyay albaabka Guriga ka dibna waxaa ay Khawaarijtii la socotay bilaabeen in ay beegsadaan Shacabkii halkaas ku sugnaa.
Ciidamada Amniga oo aan ka fogayn goobta ayaa isla markiiiba deg deg uga hawlgalay sidii loosoo afjarilahaa duullaanka Khawaarijtu ay ku qaadeen Muwaadiniinta halkaas ku sugnayd.
Ciidamada ayaa Gurigaas iyo Guryaha ka ag dhawaa ka daad gureeyay inta badan Shacabkii halkaas ku sugnaa Cadawga Khawaarijta ah ayaa goobta ku dilay 10 Shahiid oo ahaa muwaadiniin aan waxba galabsan waxaana dhaawacyo soo gaareen seddex kale.
Ciidamada ayaa toogtay Afar Khawaarij oo ahaa kuwii weerarka soo qaaday Intii uu socday hawlgalku ayay dhaawacyo soo gaareen afar ka mid ah Ciidamada Qaranka ee ku jiray hawlgalka badbaadinta ah.
Weerarkaan ay Khawaarijtu ku qaadday guryaha Dadka Shacabka ah ayaa muujinaya xaaladda quusta ah ee Khawaarijtu ku suganyihiin iyo Heerka uu gaaray beegsiga tooska ah ee ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Talaabada Khawaarijtu waa mid muujinaysa sida ay ugu bareerayaan beegsiga Shacabka Soomaaliyeed, taas oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan sii labanlaabno dedaalka lagu suulinayo Cadawga Khawaarijta ah.
Dawladdu waxa ay tacsi udiraysaa ehelada Muwaadiniintii ay Khawaarijtu beegsatay ee Shuhadada ah waxeeyna caafimaad deg deg ah alle uga baryayasaa muwaadiniinta shaawacyadu soo gaareen.