Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shir weynaha Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ee SBF.
Shirka Midowga Baangiyada Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin 13 Bangi ayaa inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha dalka, cilmi baarisyo la xiriira sida ay u shaqeyaan baangiyada Aduunka,Afrika iyo kuwa Soomaaliya, iyagoo xusay in dowadda ay fududeeyso aqoonsiga dadweynaha si loogu kalsoonaado kobcinta dhaqaalaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo shirka soo xiray ayaa bangiyada Soomaaliyeed ku ammaanay doorkii horumarineed iyo dib u dhiska dalka ay ka soo qaateen, kuwaas oo ku soo shaqeeyay marxalado adag iyo daruufo kala duwan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maanta la helay adeegyo Bangi oo wax badan taray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.