Doorka warbaahinta qaranka ee gurmadka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan oo ay ugu horayso Wakaaladda Wararka ee SONNA,Telefishinka Qaranka, Radio Muqdisho iyo Wargeyska dalka ayaa door weyn ka qaatay, sidii gargaar loogu tabaruci lahaa Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye kaas oo uu ka dhacay dhulgariir geystay khasaare baahsan oo isugu jira dhimasho kor u dhaafaysa 33.000, iyo burbur baahsan oo uu u geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee kala duwan.

Agaasimaha Wakaaladda wararka Soomaaliyeed Ismaaciil Mukhtaar Cumar(Orango) iyo howl-wadeenno kale oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka ayaa hoggaaminayo doorka gurmadka warbaahinta qaranka, iyadoo dhammaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta qaranka laga tebinayey Barnaamuj live ah kaas oo ay dadweynuhu kala socdeen kagana qayb qaadanayeen qaadhaan ururinta iyo u gurmashada shacabka walaahood ee Turkiye.

Warbaahinta Qaranka ayaa si gaar ah u abaabushay Barnaamij dadweynaha iyo xubnaha gudidda gurmadka ka qayb qaadanayeen kaas oo laga hagayey barta Twiter Space-ka ku leedahay Wakaaladdu, Barnaamujka ayaa wuxuu qabsoomay saddex habeen welina waa mid socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay saaran tahay mas’uuliyad ka duwan tan dowladaha iyo shucuubaha kale ee dunida kaga aaddan mashaqadan,Madaxweynaha ayaa ka dalbaday qurba-joogta, ganacsatada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in aysan u kala harin taakulaynta walaalaha muslimiinta ah ee musiibadu ku habsatay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa hore magacaabay Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul Gariirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye oo ka shaqeyn doona sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin walaalahooda Turkiga,iyadoo ilaa hadda gudiddu dadaal xooggan ka samaysay dadaalka loogu gurmanayo walaalaha Turkiye ee dhibaatadu gaartay,sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamse ayaa 16 bishan daahfuray munaasabad weyn oo dhaqaale ururin loogu samaynayey walaalaha Turkiye halkaas oo looga yaboohay lacag gaaraysa saddex milyan oo dollar.

Dhinaca kale Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xaruntooda Villa Hargeysa ayaa u codeeyay in mushaarka xildhibaanada ee Bishaan 20% looga qeyb qaato gurmadka walaalaha Turkiye ee dhul-gariirka saameeyay.

Olaha qaaraan ururinta dowladda Soomaliya oo kaashanaysa shacabkeedu ugu gurmanayaan walaalooh Turkiye ayaa sida qorshuhu yahay lagu wadaa in maanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.