Shirka Wasaaradaha Dekedaha dowlada federaalka iyo dowalad goboleedyada oo warmurtiyeed laga soo saaray

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Dekadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka qabsoomay Caasimada Dalka ee Muqdisho..

Shirka waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Dowlada Federaalka Soomaaliya, Waxaana Shir-gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Amb. Cabdulaahi Axmed Jaamac oo ay wehlinayaan Wasiiru Dowlaha Wasaarada Mudane Maxamed Cabdulqadir Dhucle iyo wasiir ku xigeenka Wasaarada Mudane Saadam Maxamud Cabdi, waxaana ka soo qayb galay Wasiirada Dekadaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada federaalka ee kala ah Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Galmug ,Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Hirshabeelle,Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jubaland.

Shirka wadatashiga Wasaaradaha Dakadaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa ujeedadiisu ahayd xoojinta wadashaqeynta wasaaradaha iyo gorfaynta hawlaha hortabinta leh ee dakadaha iyo xeebaha Soomaaliya.

Gunaanadkii waxaa Shirka ka soo baxay qodobadaan hoos ku xusan:-

  1. Shirku wuxuu bogaadinayaa kacdoonka ay iska kaashanayaan shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada qalabka ee cadowga khawaarijta looga xoraynayo dalka, waxa uuna xoojinayaa in deegaanada laxoreeyey wasaaraduhu ay geeyaan adeegyada ay bixiyaan gaar ahaan dhanka xeebaha.
  2. Shirku waxa uu ku heshiiyey in wasaaraduhu ay yeeshaan wadashaqeyn joogta ah, shirka madasha wasaaradaha Dakadaha Dowladda Federaal iyo Dowlad Gobaleedyadana uu joogto noqdo.
  3. Shirku waxa uu ku heshiiyey hormarinta dekadaha jira iyo uqareemida dowlad gobaleedyada aan dekadaha lahayn.
  4. Shirku waxa uu ku heshiiyey iIlaalinta xeebaha iyo ka hortagida wasakhaynta badda.
  5. Shirku waxa uu ku heshiiyey dhamaystirka xeerarka hortabinta leh ee dakadaha iyo gaadiidka badda iyo dhaqangelinta xeerarkii la ansixiyey sida Xeerka Gaadiidka Badda Soomaaliyeed.
  6. Shirku waxa uu ku heshiiyey xoojinta tababarada howl wadeenada dekadaha iyo kor u qaadida xirfadahooda.