Joe Biden oo booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Kyiv.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden,ayaa gaaray magaalada caasimadda ah ee Kyiv,halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha Ukrine Volodomyr Zelensky.

Xaqiiqda ah in madaxweynaha Maraykanku uu badhtamaha caasimadda kula kulmay hoggaamiyaha Ukraine iyada oo ay jiraan khilaaf baaxad leh waa mid muhiim ah oo astaan u ah xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Ukrine.

Ku dhawaad hal sano ooo ka soo wareegay duullaankii Ruushka ee Ukrane,safarkaan, waxa uu farriin cad u dirayaa Moscow – in Ameerika, iyo reer Galbeedka, aysan ka xishoon doonin inay taageeraan Ukraine.