Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo furay aqoon-iswaydaarsiga dejiyeyaasha Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa si rasmi ah u furay aqoon-iswaydaarsiga dejiyeyaasha Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliya.

Daah furka aqoon-iswaydaarsiga ayaa waxaa goobjoog ahaa Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka , Guddoomiyaasha guddiyada, Arrimaha Bulshada , Qorsheynta iyo Arrimaha Dibadda Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ,Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Bulshada ee Dawlad-gobolleedyada Dalka , wakiillada hay’adaha Dawladda iyo ka qeyb galayaasha Aqoon-iswaydaarsiga.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay siyaasadda Arrimaha Bulshada inay door xooggan ku leedahay qorshaha horumarinta Bulshada ee dalka, isagoo tilmaamay saddexdii sanno ee u dambeeyay in ka badan 1.3 milyan oo qof in taageerro dhaqaalo ay ka helayeen barnaamijka qaran ee Ilaalinta Bulshada (Baxnaano) , si loo xoojiyo siyaasadda Ilaalinta Bulshada.

Waxa uu sidoo kale wasiirka caddeeyay muhiimada ay leedahay fahanka iyo mudnaansiinta, taa oo ah ujeeddada aqoon-iswaydaarsiga dejiyeyaasha Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliya oo ay maanta Muqdisho ka furtay Waaaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.