Madaxweynaha Galmudug oo daah furay mashruuca Barwaaqo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa Dhuusamareeb ka daahfuray mashruuca Barwaaqo.

Munaasabadda daah furka oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Maamulka Galmudug waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah golayaasha dowladda Fadaraalka, labda gole ee Dowladda GalmudugĀ  maamulka gobalka Galgaduud, kan Caasimada iyo masuuliyiin kale.

Mashruuca Barwaaqo oo horay wajigiisa koobaad lagu magacaabi jiray Biyoole ayaa ka shaqeeya horumarinta kaabayaasha kala duwan ee dowlad dhiska Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor Qoor) ayaa bogaadiyay mashuuraca Barwaaqo oo wax la taaban karo ka qabtay Galmudug oo ay si gaar ah u wada shaqeeyaan Wasaaradaha Qorsheynta, Tamarta & Biyaha, Deeganka, Xannaanada Xoolaha, iyo wasaaradda Beeraha Galmudug.