Kuuriyada Woqooyi oo tijaabisay dhowr gantaal,xilli ay jiraan digniin dagaal

Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo kuwa ridada gaaban ah ku ridday xeebaha bari ee gacanka, sida laga soo xigtay militariga Kuuriyada Koonfureed, laba maalmood ka dib markii Pyongyang ay dib u billowday mamnuucista dhaqdhaqaaqyada tijaabinta gantaallada ballistic-ga ee isaga gudba qaaradaha.

Milatariga ayaa sheegay in ay si adag  u cambaareynayaan labada weerar,iyagoo ku tilmaamay  fal daandaansi ah.

Gantaaladaasi,waxaa laga tuuray  magaalo xeebeedka galbeed ee waqooyiga caasimadda Kuuriyada Waqooyi subaxnimadii maanta, sida ay bayaan ku sheegeen madaxda isku dhafka ah ee shaqaalaha Kuuriyada Koonfureed.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in gantaaladaasi ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu naafeeyo garoomada diyaaradaha ee cadowga, wakaaladda wararka dowladda ee KCNA ayaa tiri.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay ka hortgtay gantaaladaasi,isla markaana ay saaka soo rideen laba gantaal oo ballistic ah,waxaana tijaabinta gantaaladaan la sheegay in ay dhacayaan,xilli Mareykanka iyo Koonfurta Kuuriya ay sameynayaan dhoolas ciidan.