Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay Kalfadhiga 36-aad ee Madasha Wasiiradda caafimaadka CDC Africa

Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryan Maxamad Xuseen oo matalaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay Kalfadhiga 36-aad ee Madasha Wasiiradda caafimaadka CDC Africa kaasoo kadhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, taariikh Febraayo 18 2023.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa xoojinta Nidaamka Caafimaadka ee Afrika iyo kor u qaadida Wadashaqeynta Wasaaraddaha, dhanka kale kulanka waxaa lagu soo bandhigay wax qabadka CDC Afrika iyo qorshaha ay hiigsanayso.

Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryan Maxamad ayaa kulama gaar gaar ah la yeelatay Wasiiradda Caafimaadka ee dalalka kenya, Etoobiya, Ugaanda iyo South Sudan; halkaas oo kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka caafimaadka ee Soomaaliya iyo dalalkaas.

Kalfadhiga 36-aad ee Barnaamijka Hoggaanka Sare ee heerka Wasiiradda Caafimaadka ee xubnaha Afrika CDC iyo Golaha Midowga Afrika waxaa goobjoog ahaa qaar kamida madaxweynayaasha dalalka Afrika, Ag. Agaasimaha Guud ee Afrika CDC Dr. Ahmed Ogwell Ouma iyo dhamaan wmWasiirada.

Ugu dambeyntii Madasda Kalfadhiga 36-aad ee Wasiiradda CDC Africa waxaa la isla qaatay in Wasaaraddaha Caafimaadka ay sii xoojiyaan Nidaamka Caafimaadka ee Afrika, qeyb weyna ay ka qaataan sidii loo adkeyn lahaa Wadashaqeynta si loo gaaro Hormar caafimaadka ee Waara iyo Hisiyada loo-wada dhanyahay ( Universal Health Coverage)