QM oo soo dhoweeysay soo celinta Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Antonio Guterres, UN High Commissioner for Refugees UNHCR at a Press Conference after 66th session of Excom. 9 October 2015. UN Photo / Jean-Marc Ferré

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyey Doorka Dowladda Qatar ay ka qaadatay soo-celinta Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeyey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

War qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujrik, ayaa waxa uu ku sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu muujiyay Rajadiisa ku aadan Baaqyadii ka soo kala baxay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan Soo-celinta Xiriirkooda Diplomasiyadeed ee labada dal.

Qoralka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu muujiyey inay Tallaabadaasi horseedi doonto inay labada dal ay si buuxda u soo ceshan doonan Xiriirkooda, oo lama huraan u ah Degananaashaha iyo Iskaashiga Mandiqadda gobalka gaar ahaan Geeska Afrika.