Qaar kamid ah maamulka Gobolka Banaadir,ganacdatada Soomaaliyeed, culuma’udiinka,odoyaasha dhaqanka iyo ururada bulshada ayaa ka dhawaajiyay in ay garab istaagi doonaan shacabka Turiga ee ay waxyeeladu ka soo gaareen dhulgariirkii dhowaan ka dhacay dalkaasi.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waalaalaha Turkey ugu yaboohay 3 Million oo doolar oo ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka loo fidinaayo dadka uu saameeyay dhulgariirka ku dhuftay Turkiga.
Kusimaha Duqa Magaalada Axmed Diiriye,ayaa yiri”Gobalka Banaadir waxbadan ayaa lagu tabayaa, wixii Turkey uu gobalkaan taray way muuqataa, dhibkaas ayaa ku dhacay waxaa maanta nala gudboon in aan la imaanno isgarabtaag muuqda oo la taaban karo”
Sidoo kale Sh Bashir Axmed Salaad “Dadka Soomaaliyeed Culeysyo badan ayaa heysta, laakiin yaan la is-yasin ee aan u istaagno in qof walba wixii uu maanta heysto wax haka bixiyo “ayuu yiri
imaam Cumar Macallin Abshir “odayaasha Soomaaliyeed haddaan nahay qeyb ayaan ka nahay gurmadka, qof walbana waxaa la gudboon in uu ka qeybgalo yabooha loo fidiyay dadka Turkiga.
Guddoomiye Batuula iyo Duniya Axmed Cali ,ayaa iyaguna ku baaqay in loo midobo gurmadka ka jawaabista xaaladda musiibada ah ee ku dhacay dalkaasi ,waxayna intaa raaciyeen in haweenka Soomaaliyeed ay qaadan donaan kaalin wax ku ool ah oo loogu gurmaneyno walaalaha Turkiga.
Dr. Maxamad xaaji “Bulshada Soomaaliyeed waxaan ku Boorrinayaa in ay Boorka iskajafto waxa nalaga filayana ay naga soo baxaan “