Soomaalida iyada oo aanay soo gaarin ilbaxnimada iyo xeerarka cusub ee caalami ah ayey laheyd xeerar waafi ah oo wanaagooda wata marka la eego xaaladaha degenaansho la’aanta iyo dagaalada .
Xeerarkaas waxaa ku jira Xeerka Biri-ma-geydada oo ah in la dilin dadka aan dagaalada ku jirin ee maatada ah kuwaas oo laga dhowray in la dhibaateeyo.
Dadkaaas waxaa ku jiaray haweenka , carruurta , culimada iyo waayeelka iyo dadka waxgalka u ah bulshada.
Xeerarkaas Soomaalidu dejisteen maanta si caalami ah ayaa loogu dhaqmaa oo waxay yihiin xeerar ay iyana gaareen dalalka horumaray waayo waxaa jira xeerar u dhigma oo laga soo saaray magaalada Geneva ee dalka Swizerland oo caalamku isku raacay in lagu dhaqmo.
Xeerarkan waxaa intooda badan la adeegsadaa xilliyada dagaalada waxaana ku jira xeerarka Maxaabiista oo qeexaya qofka askariga ah ee dagaalada lagu qabto in loola dhaqmo si biniaadminimo ah oo la dawweyo lana xanaaneeyo.
Xeerkaas laftiisa soomaalidii hore way qabeen oo qofka ay dagaal ku qabtaan isagoo dhaawac ah waa la xannaaneyn jiray lagumana xadgudbi jirin maxbuuska.
Dadka waxgalka ah sida dhaqaatiirta, aqoonyahanka , culimaa’udiinka iyo waayeelka iyana dhaqanka biri-mageydada soomaalida waxay ahaayeen kuwo aan la dilin xitaa haddii la qabto .
Dhaqan suubban ayuu dhaqankaasi ahaa hase yeeshee wax badan ayaa isbedelay oo ay sabab u yihiin khilaafyada iyo dagaalada soo noqnoqday ee dalka ka dhacay kuwaas oo khiyamkii iyo akhlaaqdii xeerarkaas ku saleysnaayeen wax ka bedelay .
Waxyaabo aan horey loo baran ayaa dagaalada sokeeye laga dhaxlay waxaana laga tallaabsaday dhaqankaas wanaagsan iyadoon loo aabbo yeelin badbaadinta dadka uu xeerkaas ka beri yeelay in la waxyeeleeyo iayadoo dumarkii, carruurtii iyo duqowdiiba lagu xadgudbay oo birta lagu aslay.
Waxaa lag tallaabsaday dhaqankii waxaana lagu kacay falal lama filaan iyadoo xilliyadan dambe dalka lagu dilay dadkii waxgalka ahaa ee berry mustaqbalka dalka ka qeyb qaadan lahaa taas oo keentay in dalka ay isaga cararaaan dad waxtar u noqon lahaa iyagoo la baqanaya badbaadada naftooda.
Soo celinta dhaqankaa biri-ma geydada iyo ku dhaqankiisa waxay soomaalida u horseedi laheyd in dad badan oo maanta ciidda ka hooseeya oo waxtar ahaa ay maanta oo dalku u baahan yahay ay dhici laheyd in la dareemi lahaa waxtarkooda iyo sida ay u badbaadin lahaayeen dadka iyo dalka .
Ma dhici laheyn haddii dhaqankaas iyo xeerarkaa biri-ma geydada ay shaqeyn lahaayeen in maanta la arko gumaad iyo wax la mid ah soomaalidu waxay dhowran laheyd dadkeeda waxtarka ah iskama baabi’in laheyn kuwa anfaci lahaa.
WQ: C/Naasir Xuseen