KHAWAARIJTU MALAHAN WAX ARXAN AH

Qoraalkan waxaa inagu kalifay muhiimada weyn ay ummada islaamka ee ahlu sunnah wal jamaaca u leedahay uga digidda qatarta Khawaarijta ay leedahay. Maadaama maqaalkan uu daaranyahay macluumaad xambaarsan sidii shacabkan muslimka ah ugu feejignaan lahaa khataraha iyo dhaqaraha ay u maleegayaan qoladan qaloocan ee manaxayaasha ah ee ummaddan lagu imtixaanay ee kadeedka iyo hardaamada ku hayey muddada badan.

Waa koox maafiyo qoolaysato ah, waxay in mudda ah ku soo qaraabanayeen ka been sheegidda diinta islaamka ah ee xaniifka ah, iyagoo dhallinyaro badan qalday, in badan oo ka mid ah-na dab ku shubay.

mar walbo waxay adeegsadaan oo maanka iyo maskaxda ka xadaan dadka aan  garaad ahaan diyarsaneyn, sida caruurta dib jirka ah kuwaasoo ku qanca hadaba wixii ay kushubaan sax iyo qaladna aan kala saari karin.

Maadaama dalka uu soo maray muddo dheer oo dowlad la’aan ah, in muddo ahna fowdo aan kusoo jirnay, wax maamul dhexe ahna aysan dalka ka jirin, khawaarijtu waxay ka faa’ideysteen muddadaas qaranku kala daadsanaa iyagoo in muddo ah ku soo dhex jiray, tiiyoo aysan jirin nidaam xoog leh oo u wajaha qaab awood ku maquunin ah iyo mid xeelad midna, sidaa daraadeed waxaa usuurta gashay in shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah in muddo ah ku heystaan cabsi gelin, juujuub, dil, xarig iyo wax walboo ay isleeyihiin waa idinkaga baqayaan dadka.

muddadaas dheer ee dadka ku dhex noolaayeen marnaba majirin qanaaco iyo kalsooni shacabku ay qabeen balse dadka waxay ahaayeen kuwo qasban oo naftooda qiil qiil qashay oo ku jira laba daran mid dooro, dil ama duli oo in badan oo shacabka ka mid ah waxay ku qasbanaadeen inay iska aamusaan mar haddii aysan jirin awood markaasi jirtay ee ay isaga celiyaan qoladan manaxayaasha ah ee baneystay wax walboo islaamku xarrimay sameyntooda.

Cawaaqib xumada ay leedahay kooxaha ka leexday wadadii ama sunnadii suubanaha Rasuulka scw ee toosan iyo kitaabkii Alle (swt). Kuwaas oo Culimada islaamka ay ka warameen in ay leeyihiin magacyo fara badan ayna u kala baxaan dariiqooyin fara badan oo aan ahayn dariiqa Sunnada iyo Kitaabka Alle (swt).

 

Khawaarijtu noocyada ama firqooyinka ay leeyihiin wey fara badan yihiin  waxaan ka qori doonaa wixii Alle (sw) inoo fududeeyo si aan u gaarsiino ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah ee jecel inay raacaan jidka ama wadada toosan ee suubanaha Rasuulka (scw) iyo saxaabadiis iyo inta jidkaasi saxda aha qaaday.

Anigana waxaan Ilaahay ka baryaayaa in uu naga yeelo dhamaan (Muwaxidiinta) kuwa ku dayda ee raaca jidkaas toosan qaatana qowlka wanaagsan.

Sida aan horey usoo sheegnay fakirka Khawaarijtu waa mid wakhti fog soo jiray, xilligii saxaabada ayey soo joogeen, sida la ogyahay waxay dileen qaar ka mid saxaabadii siiba kuwoodi ugu waaweynaa sida Cuthmaan ibnu Caafaan iyo Cali bin abii Daalib labaduba Alle haka raali noqdee, ilaa waqtigaana waa ay jireen.

Mar walbo meeshii u suura gasho inay ka fuliyaan fikradooda gurracan ayey isku dayayaan hadba meeshay la gaarto, maadaama waxay wadaan ay yihiin wax baadil ah diintana ka fog, qaadana karin maskaxda fiyow ee wax fahamsan, mar walba waxay isku dayayaan inay isticmaalaan xoog iyo handadaad, iyagoo qofkii ka hor yimaadana dila waliba si aan kala sooc laheyn dadka u dila.

Waa koox dhiigyo cab ah, aan wax naxriis ah laheyn, ma ogola in waxa ay wadaan lagala doodo, aan ogoleyn wada noolaansho umadeed, aragtidooda waa xoog isku maqoonin iyo isoo raac ama wan ku dilayaa, ruuxii aragtidooda ka hor imaada way dilaan xoolihiisna way dhacaan, ma karaan inay u adkeystaan aragtiyaha kasoo horjeeda, sidaa awgeed, mar walba waxaa bartilmaameed u ah dadka indhaha u ah ummadda, sida Culimada, indheer-garadka, aqoonyahnada iyo cid walboo ay isleeyihiin wax bay fahmaysaa waana idinka soo horjeedaa.

Waxaa Alle mahaddii ah in dadka Soomaaliyeed ee muddada badan dilka, cabsi gelinta iyo hanjabaadka ku heysteen, xoolahoodina ay xalaaleysteen ay ogaadeen khawaarij iyo wax ay tahay intan ka dibna aan loo dulqaadan karin ficilladooda gurracan ee k abaxsan Islaamnimada iyo bin’aadnnimada, iyagoo bilaabay inay hubkooda qaataan iskana dhiciyaan, taasi oo sababtay in dhul badan oo ay horey khawaarijtu shacabka ku gumeysan jirtay maanta ay iska xoreeyeen kadib markii ay u adkeysan waayeen kana dhiidhiyey ficillada khawaarijta iyagoo kaashanay dowladooda iyada usoo jeedsatay inay shacabka ka xoreyso muurayaantan diinlaawayaasha ah ee shacabka u diiday nabadda iyo horumar ay kula tartamaan umadaha asaagooda ah.

WQ: C/risaaq Absuge