Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in laga cafiyo deymaha qaar (MAQAAL)

Deyn cafinta Soomaaliya waxay ay soo martay heerar kala duwan iyo maraaxillo kala gedisan, waxaana Dowladda Soomaaliyeed xoog saartay sidii Ummadda Soomaaliyeed looga cafin lahaa Deymihii ku aruuray tan iyo Dowladdi militariga, iyadoo inta badan ay tahay dulsaar, maadama deynta lagu lahaa ay ahayd 2.5 bilyan Dollarka oo Maraykanka ah, ayaa hadda ku dhow 5 Billion , waxaana jirta in ay dowladdu helayso ballan qaadyo badan oo kala imaanaya Wadamada Islaamka iyo kuwa Caalamka intiisa kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD ayaa uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 Malyan oo doolar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha dalkeenna ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran, isaga oo tilmaamay in ay nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Al-shabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada beeraha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto”.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida deymaha lagu leeyahay dalkeenna, isbeddelka cimilada iyo yaraanta khibradaha iyo farsamooyinka tabcashada ay caqabad ugu yihiin horumarka beeraha dalka, waxa uuna xaqiijiyey in dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii  loo kobcin lahaa fahamka iyo kasmada beeraha.

Haddaba maxaad ka taqaannaa He’yadda IFAD?  IFAD Waa Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha,  waana hey’ad maaliyadeed oo caalami ah iyo Wakaalad gaar ah oo Qaramada Midoobay ah oo ka shaqeysa wax ka qabashada saboolnimada iyo gaajada ka jirta dhulka miyiga ah ee wadamada soo koraya, marka waa guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed mar haddi ay bilaabatay deyn cafintu,  waxaana lagu wadaa in qorshaha Deyn Cafinta lagu soo afjaro dabayaaqada sanadkan,iyadoo faa’iido weyn ugu jirto ama laga heleyaa haddii gabin ahaanba la cafiyo, waayo waxaa Soomaalida u bilaabanaya inay gaarto yoolkeeda ku aadn horumarinta adeegyada kala duwan ee Bulshada iyo dhaqan dhaqaale iyo inay qaadan karto ammaah kale iyo inay Dowladda Soomaaliyeed sameysan karto Lacag shillin Soomaali ah.

Qallinka C/llaahi Ruush