R๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ: ๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐˜…๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ฟ ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฑ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—น๐—ฎ ๐˜…๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฒ๐˜†

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax Bannaan oo diiradda lagu saaray sidii loo gaarsiin lahaa garsoorka deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta oo ay bulshada baahida weyn u qabaan.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo kaashanaysa khubaro ka tirsan Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyey Khawaarijta sidii loo gaarsiin lahaa garsoor, si loo soo celiyo kalsoonida ay bulshadu ku qabaan nidaamka dowladnimada, maadaama deegaannadaas ay muddo badan argagixisadu ku maaamulaysay gacan arxandaran.

Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ayaa soo jeedisay warbixin la xiriirta tacadiyada ay ka geysteen Khawaarijtu goobaha laga xoreeyey.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka goโ€™an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya ay muhiim tahay in la helo nidaam garsoor oo lagu kalsoonaan karo oo ay saldhig u tahay caddaaladdu.

Mudane Xamse ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa Garsoor Caddaalad ku dhisan, gaar ahaan goobaha dhowaan laga xoreeyey khawaarijta.