Turkiga iyo Suuriya: Tirada dhimashada oo kor u dhaaftay 33.000

Kooxaha Samatabbixiyeyaasha ayaa sii wada in ay soo saaraan dadka ku hosjira burburka dhismayaasha ee ka dhacay Turkiga iyo Suuriya ,iyadoo tirada dhimashada dhulgariirkii usbuucii hore ay kor u dhaaftay 33,000.

Dhulgariirrada ayaa Turkiga ku dilay ugu yaraan 29,605, halka in ka badan 4,300 oo dhimasho ah laga soo sheegayo Suuriya ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 5.3 milyan oo qof oo Suuriya ku nool laga yaabo in ay hoy la’aan yihiin,halka Ku dhawaad 900,000 oo qof ayaa u baahan cunto kulul oo degdeg ah gudaha Turkiga iyo Suuriya.

Martin Griffith, madaxa gargaarka Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in dunidu ilaa hadda ay ku guul darraysatay wax u qabashada dadka ku nool waqooyi-galbeed ee Suuriya, isagoo sheegay in kuwa ka bad-baaday ay “si sax ah u dareemayaan in la dayacay”.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu oggolaado in sahayda la geeyo dhulka ay fallaagada gacanta ku hayso iyada oo laga sii gudbayo xadka Turkiga.