Madaxweynaha Galmudug oo ka qeyb galay Munaasabad lagu caleema saarayo Guddoomiyaha cusub ee degmada Cabudwaaq

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo Gudoonka cusub ee dhawaan loo doortay Cabudwaaq.

Munaasabadda caleema saarka Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ee lagu doortay dhawaan Golihii degaanka Degmada Cabudwaaq waxaa ka qeyb galay Wasiiro, xildhibaan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa u hambalyeeyay guddoonka cusub ee Degmada Cabudwaaq, isagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay. Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.