Guddoomiyaha Hay’dda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’dda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin iyo Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Saed ayaa maanta ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa Arrimaha deg degga ah ( emergency).

Hay’adda SODMA iyo UNICEF ayaa ku heshiiyey in ay ka wada shaqeyn doonaan u gurmashada dadka tabaaleysan si gaar ah goobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta kuwaas oo ku yaala Maamullada Galmudug,Hiirshabeelle, Jubbaland iyo koonfur Galbeed

Hay’adda Mareeynta Masiibooyinka ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii gurmad loo gaarsiin lahaa degaannada laga xoreeyay khawaarijta.