Madaxweynaha Puntland oo goobjoog ka noqday dhaarinta xeer Ilaaliyaha guud iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta  xeer Ilaaliyaha guud ee Dowladd Goboleedka Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland Gaashaanle Sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed, waxaa dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxkamada Sare Siciid Axmed Faarax.

Madaxweynaha ayaa  Alle uga baryay Masuuliyiinta cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.