Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka oo ka socda xarrumaha hay’addaha Dowladda

Waxaa si habsami leh xarruumaha Dowladda uga socda Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka, si loo dardar galiyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha.Rayidka ee dowladda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gudigga farsamada ee tirakoobka Shaqalaha Rayidka dowlada Axmed Maxamed Xasan  ayaa maanta wasaaradda Warfaafinta ka daah furay tirakoobka madax ka tiriska ah ee shaqaalaha wasaaradda.oo maalmahani ka socday xarumaha Wasaaradaha Dowladda.

Ujeedada tirakoobka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka, daah-furnaanta  iyo hufnaanta Shaqada, tan oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Dawladda ee adeegyada qaranka iyo Bulshada ay u hayaan Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

Guddoomiyaha Gudigga farsamada ee tirakoobka Shaqalaha Rayidka Axmed Maxamed Xasan ayaa sheegay in tirakoobka uu socon doono mudda laba cisho ah,islamarkan uu yahay mid lagu dar-dar galinayo howlaha shaqo ee shaqaalaha Rayidka u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dhankiis bogaadiyay sida aay Guddiga u wadaan shaqada iyo howlaha loo igmaday,isagoona timaamay in mudda xubnaha tirakoobka ay jogaan loo fudu deeyn doono howshooda,islamarkana ay la sheqey doonaan waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda.

Tiro koobkaan ayaa laga sameyn doonaa dhammaan Hey’adaha iyo Wasaaradaha Dowladda si loo xoojiya isla xisaabtanka iyo hubinta gudashada wajibaadka saaran Shaqaalaha Rayidka.