Wasiirka Amniga Jubbaland oo kulan la qaatay Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Dalka iyo Sarakiil kale

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad goboleedka Jubbaland S/ Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal), ayaa kulan la qaatay Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland, guddoomiyaha degmada Afmadow iyo Taliyeyaasha kala duwan ee ciidanka  Jubbaland ee fadhigoodu yahay Afmadow.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa Is-xog-wareysi iyo kala war qaadasho ku aadan xaaladda amniga, howlgallada ay ciidanku wadaan iyo ka hortagga dhagarta ay soo maleegaan khawaarijta nafla caariga ah ee Al Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ayaa wada howlgallo ka dhan khawaarijta oo looga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.