Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay hawlgallada dalka looga xoreynayo khawaariijta

Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa waxaa uu faahfaahin  ka bixiyey howlgallada ka socda gobolada dalka, waxaana uu sheegay in jab xooggan lagu gaarsiiyey deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug iyo Hirshabeelle kooxda Khawaariijta.

Generaal Caanood ayaa sheegay in ciidamda Qaranka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay laba jibaareen howlagallada lagu baacsanayo kooxda dhiigmiiratada ah, isaga oo intaa ku daray in ciidamada  CXD ay ku burburiyeen fariiimo iyo meelihii gabaadka u ahaa deegaanada laga xorreeyey.

Dhanka kale Cabdullaahi Cali Caanod Afhayeenka Wasaaradda Gaashandhigga ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in howlgallada ay hor-jooga u yihiin xildhabaanada heer Fedaraal iyo heer  Maamul ay ku dhawyihiin in dhawaan lagu soo afjaro Khawaarijta, isagoo intaa ku daray in hadda uu dhexdooda uu kala shaki ka dhashay  Khawaariijta.

Generaal Caanood ayaa sheegay in Wasaaraddu ku amartay saraakiisha  hogaamineysa Ciidamada Qaranka ee ku sugan goobaha lagala wareegay Khawaariijta in ay shaqsiyaadka isa soo dhiiba ay ku wareejiyaan hay’addaha Dambi barista iyo haya’addaha kale ee ku shaqada leh.