13-KA FEBERAAYO WAA MAALINTA CAALAMIGA AH EE UNESCO U AQOONSATAY IN LA XUSO RAADIYAHA ADUUNKA

Maalinta caalamiga ah ee Raadiyaha Adduunka waxaa loo asteeyay 13-ka February sanad walba markii ay isku raaceen wadamada ku jira Hey’adda UNESCO 2011-kii, waxaana aqoonsaday Golaha guud ee Qaramada Midoobey 2012-kii in maanta oo kale dunida looga dabaal dago maalinta Raadiyaha, si loo dhiiragaliyo howlwadeennada Warbaahinta, loona xoojiyo doorkooda wacyagalinta bulshada.

Haddaba adeegsiga Raadiyaha ayaa ah dunida oo dhan mid aad muhiim uga ah ilaa maanta oo ay jiraan aalado kale iyo teknolojiyadda casri ah oo ku soo biirtay dunida sida internetka oo ay ka dabo dhasheen isticmaalka baraha bulshada oo iyana fududeeyey iska warqabka bulshada dunida .

Manta oo kale ayaa laga wada xusayaa dunida oo dhan maalinta Raadiyaha ee caalamiga ah taasina waxay ka marag kaceysaa ahmiyadda uu raadiyuhu leeyahay.

Raadiyaha waxaa loo adeegsadaa sida Warbaahinta kale in dadka lagu siiyo xogaha ay u baahan yihiin, wax ayaa lagu baraa waana lagu madadaaliyaa.

Raadiyaha waa aalad fudud oo gacanta lagu qaadan karo wuxuuna u baahan yahay labo batari oo keliya taasna wuxuu kaga duwan yahay telifishanka oo u baahan muraayad, koronto iyo muuqaal qabte ( receiver), sidoo kalena qofku raadiyaha meeshuu doono ayuu u qaadan karaa .

Raadiyaha waxaa loo adeegsan karaa barnaamijyada wacyigalinta waayo mar keliya hal raadiye waxaa wada dhageysan kara in ka badan afartan ruux .

Raadiyaha sida Raadiye Muqdisho waxaa loo adeegsan karaa ololeyaal la mid ah kii barashada af soomaaliga oo waxa ugu weyn ee suurtagaliyey uu ahaa raadiyaha.

Dejintii dadkii abaaruhu soo baro kiciyeen si la mid ah taas waxaa taabagalinteeda loo adeegsaday idaacadda, waxaa kale oo uu qeyb ka ahaa baraarujintii shacabka xilligii ay socdeen dagaaladii 1977 ee dhexmaray Soomaaliaya iyo iyo Itoobiya oo raadiyuhu ahaa isha keliya ee lagala socday hadba meesha ay marayeen ciidanka Soomaalida isla markaana laga guubaabin jiray.

Awoodda raadiayaha waxay ku xoog badan tahay dhulka miyiga ah oo ilaa maanta lagu arkayo nin ceel jira ah oo uu garabka ugu jiro raadiyaha oo kala socdo akhbaarta inkastoo muddooyinkan dambe idaacaduhu u bateen nooca FM-ka loo yaqaano oo aad looga maqlo magaalooyinka ay ka dhisan yihiin halka xilliyadii hore ay jireen idaacado ka hadla mowjadaha gaagaaban iyo kuwa dhexe.

Si kastaba ha ahaatee lama fududeysan karo dowrka ay idaacaduhu weli kaga jiraan bulshada Soomaaliyeed iyadoo dadka da’da ah ay weli ku dhegan yihiin dhageysiga idaacadaha halka dhallintu u badan yihiin adeegsiga baraha bulshada.

Muqdisho weli kama suulin ama lagama waayin waayeel ku tiirsan Idaacadaha oo subax walba ku dheelmada xilliyada wararka isuna tebinaya oo isaga sheekeynaya wixii saaka ay ka soo dhageysteen idaacadaha oo is leh “Idaacad hebela maanta waxay sheegtay sidaas”.

Taas waxay muujineysaa ahmiyadda idaacaduhu ummaadeena u leeyihiin waayo xitaa geel jireyaashu waxay si waafi ah ula socdaan xaaaladda dalka hadba halka ay mareyso.

 

WQ;Osman dhiblaawe