KIRADA GURYAHA IYO GOOBAHA GANACSIGA OO QIIMAHOODU SARREEYO

Tobankii sano ee ugu danbeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay kor u kac ku yimid kirada oo halkii awal ka ahaan jirtay qolkii $50/= ayaa isu beddelay $60 ilaa 100 U$D/

Nuska boos kiradiisu ayaa noqday $300 U$D oo ka kooban 3 qol, Suuli iyo Kushiin, laba qol oo gaar ah ayaa $200/= sidaasi oo ay tahay ayaa haddana lagu kireeyaa horumaris.

Guryaha oo uu kireeyo dulaal ayaa qaata ugu yaraan $500/= halka beryahan dambe ay la soo ifbaxeen horumaris laba bilood ah la bixiyo.

Run ahaantii  ruuxa xaq looguma laha , haddii sidaas la gartay waa in aan laga tegin isxaanka oo ruuxa doonaya guri in uu kireysto laga qaado bil keliya.

Waa arrin xunuun ku heysa danyarta oo aan iska bixin Karin kiradaas qaaliga ah iyo horumaris laba bilood ah.

Waxaa jira dad ku mashquulay dhisidda guryo kana dhigtay qaab ganacsi oo kireeyaan una aaba yeelin dadka u baahan in ay helaan guryo ay degaan oo laga kireeyo ayna kaga kireeyaan lacag aysan iska bixin Karin , sidaasi oo ay tahay ayaa haddana sannad kasta lagu kordhiyaa dadka guryaha kirada ku deggan, waa in la eegaa wadciga maanta loona turaa danyarta lagana tegin isxaan falidda.

Dhinaca kale, waxaa cabasho ka jirtaa goobaha ganacsiga oo kirada la bixiyo ay ka sarreyso biilka guriga.

Gnacsato ayaa cabasho ka muujiyey dakhligooda iyo biilka guriga ityo kirada ay tahay mid faa’ido la taaban karo laga soo hooyo inkastoo ay jirto hadbo loo dhisay  hanacsatada hadane kuma qanacsana qaarkood in ay dagaan goobahaan iyadoo ay ka door bideen in ay ku ganacsadaan hareeraha jidadka iyo laaamiyada ayagoo aaminsan in jidadka wax loogu iibsan karo kaliya taa soo ahayn mid quman oo kalsoonida Alle ka fog.

Dadka haatan  la ildaran abaarta iyo biyo la’aanta ayaa u baahan gar-gaar bini-aadanimo  dadka iyo xoolaha inta ka hartay oo la’ biyo baadba, baliyo iyo ceelal oo si baahsan loogu fidiyo goobaha iyo deegaanada miyiga ah ayaa kaalin ka qaadan karata kolka ay dadkaasi la soo gudboonaato roob yarida.

Arinta si kastaba ha ahaatee meelaha ay haatan ka jirta abaarta ayaa u baahan in loo fidiyo gurmad biyo dhaamin iyo gar-gaar.

WQ: Ibraahim Abuukar Fanax