Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu ku salaysan yahay ama ku tiirsan yahay waxyaabo fara badan, ayadoo ay ugu horayso nimcooyinka uu Ilaahay ina siiyay waddanka Soomaaliya sida Xoolaha, dhulbeeraadka, xeeb laga kalluumaysan karo iyo nimcooyinka dhulka ku aasan ee aan laga faa’iidaysan wali sida Birta, Dahabka, Uraniumka, Saliida Shidaalka, iyo waxyaabo fara badan oo aan la soo koobi karin, kuwaas ay ka mid yihiin dhul bilicsan oo Dalxiiska ku wanaagsan sida dhulbaraha Adduunka ee equetar ama Raas-kambooni meeshaas oo ah meel ay adduunka oo idil u soo dalxiis tagi karaan.
Waxaa u sii dheer Soomaaliya in ay ku taallo dhul istraatiiji ah markii loo fiiriyo geopolitical, taas oo macnaheedu yahay in ay soomaaliya isku xiri karto Qaaradaha Afrika iyo Aasiya iyo Yurub.
Waa dhul ku wanaagsan dhinac logistica-da oo ay noqon karto dhul beec mushtar ah.
Dhanka beeraha, Soomaaliya waa dal ku wanaagsan beerashada,waxaana ka baxa inta badan mirooyin kala duwan sida Liimo dhanaanta .
Liimo-dhanaanta waxay ka mid tahay miraha dalkeena Soomaaliya sida aadka ah uga baxa, waxayna faa’iidooyin badan u leedahay caafimaadka ruuxa Aadamiga ah iyada oo dhakhaatiirta ay kula taliyaan in ay bulshada Liimo dhanaaanta ay isticmaalkeeda badiyaan taasi oo ka hortageyso xanuuno badan.
Beeralayda Soomaalida ayaa Liimo dhanaanta u iib geeya dalka dibaddiisa ka dib markii ay Umadda Soomaaliyeed ka helaan qidmad ku filan nolol malmeedkooda.
Iib geynta Liimo dhanaanta ayaa waxa ay sababtay dad badan in ay bilaabaan in ay si saa’id ah ay u beertaan Liimo dhanaanta, taasi oo aad ku arkeyso beeraha ay ku abuuraan kun geed iyo in ka badan oo Liimo dhanaanta ah.
Dhoofinta Liimo dhamaanta ayaa waxa ay faa’iido u tahay dhallinyaro badan oo shaqo la,aan ah kuwaas oo ka faa’iideysanayo in ay ka shaqeeyaan qalajinta Liimo dhanaanta iyo sidoo kale in loorar ay ku cabeeyaan sida loorarka loogu cabeeyo digirta oo kale.
Sidoo kale, waxaa Liimo dhanaanta shaqa abuur ka helay baabuureyda kuwaa oo soo rara Liimo la qalajiyey ayaga oo geeynaya Dekadda magaalada Muqdisho halkaas oo Markab laga saarayo Liimo dhanaanta.
Faa’iidooyin badan ayey leedahay wax dhoofinta taasi oo sababta dad badan oo Soomaali ah ay bilaabaan in ay wax soo-saaraan sidoo kale beeraleyda ayaa bilaabay in ay wax soo-saaraan ayaga oo beerahooda dalagyo kala duwan ku abuuraan .
Kobac iyo hormar ayaa ka socda dalkeena taasina waxaa daliil u ah in aan dibadda wax u dhoofinno sida Xoolaha nool oo aan u iib geyno, sidoo kale Muuska iyo Liimo dhanaanta la qalajiyey ayaan u dhoofinaa dalka dibaddiisa taasi oo sahashay in dad badan shaqa abuur u noqdaan in kasto shaqala’aanta ay aad u sameeysay dhallinyarada balse dhallinyara badan ayaa ka faa’iidaystay fursadahaan.
Haddaad si dhab ah u fiirisid waddamada adduunka, waddan walbo dhaqaalihiisa wuxuu ku salaysan yahay hal ama labo arrimood, sida waddanka Sucuudiga oo dhaqaalihiisa ku salaysan yahay Saliidda cayriinka ama Batroolka.
Waddanka Finland wuxuu dhaqaalihiisa ku salaysan yahay geedaha ama alwaaxda.
Waddanka Iceland dhaqaalahiisa wuxuu ku salaysan yahay Kalluunka.
Waddanka Ethiopia dhaqaalihiisu wuxu ku salaysan yahay wax soo-saarka beeraha, waxaad arkaysaa waddamo dhaqaalahooda ku tiirsan yahay Dalxiiska,
kuwa kalana waxay ku tiirsan yihiin wax soo-saarka Warshadaha .
WQ: Abdinaasir Aadan Yuusuf