Waxaa si habsami leh xarruumaha Dowladda uga socda Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka, si loo dardar galiyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna Guddoomiyaha guddiga korjoogtaynta iyo kormeerka habsami usocodka tirakoobka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah hay’addaha maanta uu ka socday tirakoobka.
Ujeedada tirakoobka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta Shaqada, tan oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Dawladda ee adeegyada qaranka iyo Bulshada ay u hayaan Shaqaalaha Rayidka Dawladda.