Madaxweynaha Galmudug oo heshiis la saxiixday ku xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa heshiis la saxiixday ku simaha Ergeyga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki.

Munaasabadda Saxiixa heshiiskaan oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Galmudug, ayaa waxaa goob joog ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulka caasimadda.

Madaxweynaha, ayaa uga mahadceliyay booqashada wafdiga ay hoggaamineyso Ku simaha Ergeyga Gaarka ah iyo sida ay Qaramada Midoobay uga go’antahay inay xarun rasmi ah ka sameysaan Caasimadda Dhuusamareeb.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Galmudug iyo ku simaha Ergeyga gaarka ah, ayaa beeray geedo astaan u ah dhireynta Galmudug cagaaran mustaqbalka dhow.