Wasaaradda ganacsiga XFS oo hirgelinaysa Xarunta Mideynta Adeegyada dawladda

-Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Cisman Maxamed Cabdi (Daallo) oo maanta shir guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda, ayaa looga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda gaar ahaan dhinacyada shuruucda, siyaasadaha iyo weli ba sidoo kale mashaariicda horumarinta iyo fududeynta ee ganacsiga dalka.

Shirka oo warbixino laga dhageystay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, ayaa diiradda lagu saaray Hindise Sharciyeedka Laysimada Ganacsiga oo muhiim u ah habraaca soo dalbashada, bixinta Laysinka iyo nidaaminta ganacsiyada kaas oo kor u qaadaya kobaca dhaqaalaha iyo ilaalinta xuquuqda macaamilka, waxaana la isku raacay in Wasaaraddu ay dedaal dheeri ah geliso qorshaha iyo meel marinta sharcigaas sidoo kale na ay kala tashado cid kasta oo uu khuseeyo si looggu gudbiyo Golaha Wasiirada XFS.

Waxa kale oo shirka looga hadlay hir-gelinta Xarunta Mideynta Adeegyada Dawladda(OSS) oo muddooyinkii dambe ay ku hawlanayd Wasaaraddu kaas oo khuseeya in hal meel la iskugu keeno adeegyada Ganacsiga si loo fududeeyo ganacsiga Dalka.

Ugu dambayn, waxa shirka laga ga hadlay dhammeystirka iyo weli ba sidoo kale dar-dar-gelinta Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta Shirkadaha iyo Bixinta Laysimada Ganacsiga si loo gaarsiiyo Dawlad Goballeedyada dalka iyo weli ba sidoo kale in la sameeyo wacyi-gelin kor looggu qaadayo fahamka Ganacsatada ee adeegsiga iyo isticmaalka Habkan Onlaynka taas oo u sahli doonta in iyaga oo xafiisyaddooda jooga ay si fudud u soo dalbadaan Laysimadooda Ganacsi.