Sharci Lr. ________ ee _________________________
SHARCIGA MAARAYNTA MAALIYADDA GUUD
QAYBTA 1AAD
QODOBADDA GUUD
Qodobka 1aad
Magaca, Ujeeddada iyo Baaxadda
- Sharcigan waxaa loogu yeerayaa Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud.
- Ujeeddada Sharcigan waa maamulka dhammaan arrimaha la xiriira maareynta Maaliyadda Guud ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna dejinayaa mabaadi’ida asaasiga iyo habraacyada diyaarinta, ansixinta, iyo fulinta Miisaaniyadda Qaranka, kormeerka gudaha, xisaabaadka, warbixinnada iyo dabagalka dakhliga, kharashka, rasumaalka iyo deymaha, sidoo kale, maareynta deynta guud iyo dammaanadaha Xukuumadda.
- Waxaa qodobada Sharcigan lagu dhaqayaa Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadaha Dawladdu leedahay.
- Waxaa kale oo qodobbada Sharcigan lagu dhaqayaa Dowlad- Goboleedyada Qaranka ilaa xadka ku dhigan Sharcigan oo aan ka hor- imaaneyn sharciga Federaalka ee lagu maamulo maaliyadda Dowlad- Goboleedyada Qaranka ee xilligan dhaqan-galka ah;
- Jadwalka Sharcigan wuxuu islamarka la soo saaro xaddidayaa liiska Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadaha Dowladdu leedahay, Wasiirkuna wuxuu isbedellada jadwal xilliyeedka ku soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah si ay ula socdaan waqtiga.
Qodobka 2aad
Mabaadi’da Guud ee Maaliyadda
- Maareynta Maaliyadda Jamhuuriyadda Fedeeraalka Soomaaliya oo ay kamid tahay diyaarinta iyo fulinta Miisaaniyadda Qaranka waxaa hagaya mabaadi’da soo socota:
- b) Isla-xisaabtan; dhammaan hay’adaha xubnaha ka ah Laanta Fulinta, waxaa la xisaabtamaya labada Aqal ee Baarlamaanka oo kala xisaabtami doona sida ay u gutaan xilkooda si waafaqasan hab dhaqanka ku xusan Xeerka Maareynta Maamulka Maaliyadda Dowladda. Wasiirka ayaa isna leh la xisaabtanka dhammaan saraakiisha idman sida ay u gutaan waajibkooda shaqo si waafaqsan Xeerka.
- t) Dhameystirnaan; dhammaan dakhliyada iyo kharashyada Dawladda iyo hay’adaheeda, waa in ay ka mid noqdaan oo la raaciyaa qoondooyinka Miisaaniyadda Qaranka iyo diiwaan gelinta saldhigga u ah wadarta dakhliga.
- j) Faahfaahin Cayiman; dhammaan kharashyada hay’adaha Dawladda waxa lagu bixin karaa oo keliya ujeeddadii gaar ahaaneed ee qoondada loogu tala galay.
- x) Taabagalnimada; Miisaaniyadda Qaranka waa in ay suuro -gelisaa si taxadir sare lehna u ilaalisaa deymaha isla markaana taabbagelisaa isku dheeli tirka qoondooyinka dhakhliga iyo kharashka.
- kh) Haykalka Siyaasadda Maaliyadda; Miisaaniyadda Qaranka waa in loo diyaariyo si waafaqsan haykalka maaliyadeed ee muddada dhexe. Haykalka maaliyadeed waxaa kamid ah saadaasha dakhliga iyo kharashka ee Dawladda iyo hay’adaheeda muddada dhexe iyo istraatijiyadda lagu maal galinaayo haddii is-dhin uu ku yimaaddo isu dheelitirka dakhliga iyo kharashka.
- d) Daah-Furnaan; Kaalinta ay hawlwadeenada lagu aaminay shaqada maareynta Maaliyadda lee yihiin waa in si hufan loogu caddeeyaa sharcigan ama xeer-nidaamiyeyaashiisa; in waqtigeeda lagu helo xogta maaliyadeed ee Miisaaniyadda Qaranka, tan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo Wakaaladaha/Sharikadaha ee Dawladdu leedahay, oo lagu kalsoonaan karo loona soo bandhigo dadweynaha.
- r) Maamulka Khasnadda Mideysan; dhammaan dakhliga ka soo baxa ilaha lacagta caddaanka ah ee Dawladda iyo hay’adaheeda waa in lagu shubaa halka xisaab ee “Khasnadda Mideysan”, laguna ilaaliyaa lacagtaas iyada oo la raacayo maareyn hufan oo wax-ku-ool ah iyo habraacyada Bangi ee loo dejiyey Xisaabta Khasnadda Mideysan ee
Qaranka.
Qodobka 3aad
Qeexid/Erey bixin
Haddii aan si kale loogu qeexin sharci kale, ereyadan soo socda wuxuu mid walba yeelanayaa fasiraadda ku hor qoran:
- “Kutalagal Qoondo”: Waxa loola jeeda shayga leh kharash ee ku jira
Sharciga Kutalagalka-Qoondada ama Sharciga Kabista KutalagalkaQoondaha Dheeriga ah;
- “Hanti-Dhawraha Guud”: Waxa loola jeedaa sarkaalka u xilsaaran ama leh Awoodda Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud ee lagu dhisay Sharciga Xafiiska Madaxa Banaan ee Hanti-Dhawrka Guud, ee sharci 34. April 14, 1972;
- “Xisaabiyaha Guud”: Waxa loola jeedaa sarkaalka u xilsaaran ama leh Awoodda Xafiiska Xisaabiyaha Guud;
- “Sarkaalka Idman”: Waxa loola jeedaa Sarkaalka guud ee lagu magacaabay si waafaqsan Qodobka 12aad (1);
- “Amaahsi”: waxaa ku jira deymaha, damaanadaha deynta iyo wax kasta oo kale ee aaladaha deynta (debt instrument) iyo fududeeyaha amaahda.
- “Bangiga Dhexe”: Waxa loola Jeedaa Bangiga Dhexe ee Soomaaliya laguna aasaasay Sharci Lam 3 June 30 1960 kaas oo lagu qeexay Qodobka 3aad (1) ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ee Sharciga 22 April 2012;
- “Jadwalka Xisaabaadka”: waxaa loola jeedaa qaabdhiska tirro xisaabeed qaabeysan oo loo adeegsado in lagu kala saaro laguna diiwaangeliyo dhaqdhaqaaqa misaaniyadda dakhliga iyo kharashka, sidoo kalena Hantida dowladda iyo deymaha;
- “Ballanqaadka”: waxaa loola jeedaa waajib sharciyeed oo leh fulin qasab ah ee lacag bixin dhinac kale;
- “Ku-Talagalka Xaaladaha Deg-degga”: waxaa loola jeedaa macnaha ku xusan Qodobka 19 (1);
- “Sannad Maaliyadeed”: Waxaa loola jeedaa muddada 12-ka bilood oo isku xigta oo qiyaasta Miisaaniyadda iyo hawlgalladeeda la diiwaangeliyay, lagu talagalay lagana warbixiyay, wuxuuna ka bilaabanayaa Sanad Maaliyeedka maalinta 1da Janaayo, wuxuuna ku egyahay 31ka Diseembar ee sanadka;
- “Hay’ad Maaliyadeed”: wuxuu yeelanayaa macnaha loogu asteeyey Qodobka 2-aad ee Shaciga Bangiga Dhexe, ee 2012;
- “Hantida Xukuumadda Fedaraalka”: waxa loola jeedaa hantida guurtada iyo maguurtada iyo hantida u gaarka ah Hay’adaha Dawladeed;
- Diiwaangalin: waxa waxa loola jeedaa la socodsiinta Hantidhowraha Guud awood siinta kharash bixinta si u dib ugu sameeyo baaritaan kolka kharashku baxo, looma adeegsan karo qaab ansixin ah;
- “Dakhliga Dawladda Fedaraalka”: wuxuu yeelanayaa macnaha loogu asteeyey Qodobka 4 (3);
- “Wasiir Federaal”: waxaa loola jeedaa wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,
- “Wasiir”: Waxa loola Jeedaa Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya;
- “Wasaaradda Fedaraalka”: Waxa loola jeedaa wasaarad kasta oo ka mid ah Xukuumadda Fedaraalka;
- “Wasaaradda”: Waxa loola jeedaa Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya;
- “Miisaaniyadda Qaranka”: Waxa ku jira Sharciga KutalagalkaQoondada ama Sharciga Kabista Kutalagalka-Qoondaha Dheeriga ah oo ay labada Aqal ee BFS ku ansixiyeen sanad maaliyadeedka;
- “Wadarta Khasnadda Qaranka”: wuxuu yeelanayaa macnaha loogu asteeyey Qodobka 4 (1);
- “Ururada aan Dawliga Ahayn”: waxaa loola jeedaa qeyb ka mid ah bulashada rayid oo iskood isku abaabula iyagoon faa’ido raadinaynin hase yeeshee ka shaqeeya Arrimaha Bulshadda, Horumarinta, Samafalka iyo Cilmi-baarista;
- “Soo Jeedinta Miisaaniyadda”: waxaa loola jeedaa qabyo-qoraalka Miisaaniyadda Qaran ee uu Wasiirku u gudbiyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka;
- “Hay’ad Guud”: Waxa loola jeeda xubin kasta ee ka mid ah Dawladda Fedraalka Soomaaliya kaaso gabi ahaan ama qayb ahaan kaga jirta meel Miisaaniyadda Qaranka;
- “Lacagta Dawladda”: waxa loola jeedaa dhammaan lacagaha Khasnadda ama ay maamulaan Hay’adaha Dowladda ama
Shakhsiyaad ka wakiil ah;
- “Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Qaranka”: waxa loola jeedaa Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sida Sharcigu Qabo;
- “Sharciga Kabista Kutalagalka-Qoondaha Dheeriga ah”: waxa loola Jeedaa Sharci ujeedadiisu tahay kaabista kutalagal-qoondo horey loogu damaanadqaaday Sharciga Kutalagalka-Qoondada;
- “Shirkadaha Dowladdu Leedahay”: waxaa loola jeedaa shirkad dhisan oo ay gacanta ugu hayso hay’ad dowladeed oo ay si buuxda u maamusho ama ku maalgeliso dakhligeeda sida ku xusan xeernidaamiyaha.
- “Khasnadda-Mideysan” waxaa loola jeedaa nidaam isku dhafan ee xisaabo bangi oo awooda in lacagta caddaanka ah ee dawladda loo maareeyo qaab mideysan.
- “Diiwaangelin”: waxaa loola jeedaa kaydinta xogta oo kaliya.
Qodobka 4aad
Sanduuqa Mideysan ee Qaranka
iyo Dakhliga Dawladda Federaalka
- Si loogu maareeyo si hufan oo wax ku ool ah, dhaq dhaqaaqa xisaabaadka maamulka macaamilka maaliyadeed iyo hawlaha Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa la dhisayaa Sanduuqa Mideysan ee Qaranka, waxaana jiri doona sanduuqyo mideysan oo labada heer ah.
- Dhammaan dakhliyada Dawladda waxaa lagu soo xereynayaa lagana bixinayaa sanduuqa mideysan ee Qaranka taasi oo kamid ah xeerka qoondada Miisaaniyadda Qaranka.
- Dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda kana yimaadda;
- b) Canshuur kasta, oo ay ku jiraan Canshuurta Dakhliga iyo Macaashka, Badeecadaha iyo Adeegyada, Ganacsiga Caalamiga ah iyo macaamil kale;
- t) Khidmo kasta, oo ay ku jiraan lacagta khidmadda Garoonka Diyaaradaha, khidmad adeeg (fee), iyo lacago kale oo Sharcigu waajibinayo iyo kala-wareejinta shuruucdu fareyso;
- j) Ganaaxyada kala duwan (fines); ciqaabaha (penalties), la wareegidda (forfeits) iyo waayitaanka lacag hormaris ah; x) Iibka Alaabta iyo Adeegga;
- kh) Macaashka, Saamiga, kirada, Xuquuq gaar ah (royalties) iyo Dakhliga kale ee Hantida;
- d) Soo celinta daymaha iyo kharashyada la horumarsaday ee Miisaaniyadda Qaranka;
- Dhammaan Deeqaha Dibedda iyo Gudaha;
- Dakhliga ka soo xarooda Iibinta Hantida Dawladda Fedaraalka; iyo sh) Ilaha kale ee dhaqaale ee lagu qeexo Miisaaniyadda Qaranka.
Qodobka 5aad
Canshuur Dhaaf
- Wasiirka oo kaliya ayaa iska leh awoodda in uu dhaafi karo canshuur ama khidmad ama rasuumaadka waajibka ah ee sharcigu ogol yahay iyo qiimaha loo dhaafi karo, sida uu qabo Sharciga Furdooyinka ama Xeernidaamiyeyaasha uu sharcigani xeerinayo.
- Wasiirku waxaa looga baahan yahay in uu kaydiyo diiwaan-gelinta canshuur dhaaf kasta iyo sababihii canshuur dhaafkaas loo sameeyey, wuxuuna ku soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Dawladda.
- Wasiirku waa in uu ogeysiiyaa Golaha Wasiiradda iyo Hanti Dhawraha Guud canshuur dhaaf kasta iyo sababihii loo sameeyey muddo isbuuc gudihiisa.
- Wasiirku waa in uu sanad maaliyadeed kasta maalintaas ama ka hor, 30ka Maarso, 30ka June, 30ka Sebteember iyo 31da Diseember u gudbiyaa Labada Aqal ee Baarlamaanka canshuur dhaafyada uu ogolaaday.
- Xogta ku cad Warbixinta Canshuur Dhaafyada ee qaybta 4aad waxaa ku jiraya;
- b) shakhsiga canshuur dhaafka loo sameeyey;
- t) Sababaha canshuur dhaafka loo sameeyey;
- j) Wadarta canshuurta ka baaqatay Dawladda; iyo
- x) Faa’iidada Dawladda ka heleyso canshuur dhaafkan.
- Heer kasta oo xukumadeed wuxuu isticmaalayaa awoodda canshuur dhaaf ee dhaqangalka u ah hadda, inta laga gaarayo mideynta sharciga maaraynta maaliyadda ee khuseeya arrinkan.
Qodobka 6aad
Mabda’a Hagaya Wada shaqeynta Dawladda iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
- Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waa;
- b) In ay la leeyihiin kana dhaxeeyo nidaam maaliyadeed iyaga iyo Dawladda Fedeeraalka si loo dhiiri geliyo xiriir wada-shaqeyn si waafaqsan Dastuurka dalka.
- t) Dawlad Goboleedyaduna u soo gudbiyaan miisaaniyaddooda iyo xogta maaliyadeed hay’adaha Federaalka ah iyo kuwa Dowladaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay xogtani quseyso; iyo
- j) In ay si degdeg ah u gutaan waajibaadkooda maaliyadeed ee kaga aaddan hay’adaha Dowladda Federaalka ama Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka kale.
- Si loo diyaariyo miisaaniyadda Qaranka, Wasiirku wuxuu soo saaraya xeer-nidaamiyaasha uu kaga dalbanayo mid kasta oo ka tirsan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka in uu u soo gudbiyo xogta miisaaniyadda, qorshe maaliyadeedkeeda iyo warbixinnada & bayaannada maaliyadeed, waqtiga loo xaddiday.
- Hawl-fulin kasta oo la xiriirta Maaraynta Maaliyadda waxaa qabanaaya hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin kara, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay isticmaalayaan shuruucda maaraynta maaliyadda guud (PFM) ee hadda u shaqeeya inta laga mideynayo sharciga maaraynta maaliyadda guud ee Dalka.
QAYBTA 2AAD
AWOODAHA IYO MAS’UULIYADDA MIISAANIYADDA IYO MAAREYNTA MAALIYADDA DAWLADDA
Qodobka 7aad
Awoodaha iyo Mas’uuliyadaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka
- Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa mas’uul ka ah ansixinta iyo in xeer lagu soo saaro Miisaaniyadda Qaranka iyo ansixinta Kabka Miisaaniyadda ee la soo saaro inta lagu gudo jiro sanad maaliyadeedka iyo xeerarka kale ee lagu dhaqan gelinayo deymaha iyo dammaanadaha Dawladda
- Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa awood u leh inuu dib u eegis ku sameeyo soo jeedinta Miisaaniyadda, ayaga oo aan wax ka badaleyn isku-dheeli tirka dakhliga iyo Kharashka. Soojeedinta dib u eegis kasta ee uu sameeyo Baarlamaanka oo hoos-u-dhig ku sameynaysa dakhliga ama kor-u-qaadeysa Kharashka waa in ay ku caddahay soojeedinta dakhliga loo baahan yahay ama kaydka lagu dabooli karo Kharash aan ku jirin Qoondada Miisaaniyadda la soo jeediyey.
- Labada Gole ee Baarlamaanka waxay weydiisan karaan Golaha Wasiirada iyo shaqaalahooda farsamo in ay goleyaasha hor yimaadaan si ay ugu sharraxaan siyaasadaha, barnaamijyada iyo isticmaalka Miisaaniyadda. Baarlamaanku wuxuu tix-gelinayaa waayo aragnimada iyo fikradaha dadka hor yimid ama kuwa hor tagay guddiyada kala duwan ee Goleyaasha ayagoo bixinaya caddeymo ama talo loo baahan yahay, ha ahaato ama yeyna ahaan aragitida ama tallada mid lagu bixiyey dhaar, caddeyn la akiday oo loo soo gudbiyay oraah ahaan ama qaab qoraal ah.
Qodobka 8aad
Awoodaha iyo Masuuliyadda Wasiirka
- Wasiirka ayaa mas’uul ka ah dhammaan siyaasadda iyo farsamada quseysa habsami u socodka nidaamka maareynta maaliyadda Dawladda iyo soo bandhigidda dhammaan agabka iyo dukumeentiyada uu dalbayo sharcigan, si waafaqsan xilliga muddeysan ee ku xusan sharcigan, iyadoo la raacayo guud ahaan siyaasadda Golaha Wasiirada.
- Wasiirka ayaa ka masuul ah maareynta lacagaha Dawladda, Sanduuqa Mideysan, iyo in uu kaydiyo diiwaangelin sax ah iyo xisaabaadka dhammaan caddeymaha dakhliga la qabtay, bixinta iyo dheelitirka Sanduuqa Mideysan ee Qaranka.
- Wasiirka mas’uuliyadiisa gaarka ah, waxaa ka mid ah diyaarinta iyo fulinta Qorshaha Maaliyadda ee Mudadda Dhexe, Miisaaniyadda Qaranka, diyaarinta iyo faafinta xisaab xirka sanadlaha iyo xisaabaha sannadka guduhiisa, warbixinnada kale ee la xariira miisaaniyadda, maamulka hantida, deymaha, dammaanadaha Xukuumadda Federaalka iyo Qaamaha kale ee lama filaanka ah sida ku cad Sharcigan.
- Si waafqsan waajibaadka uu u igmaday Ra’iisul Wasaarahu, Wasiirku waa inuu horumariyaa dhaqaalaha guud (Macro-economic) sidoo kalana fuliyaa Haykalka Siyaasadda Maaliyadeed ee guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ujeeddadiisuna ay tahay;
- b) In uu kala taliyo Dawladda dhammaan dakhliga dalka sida loo qoondaynayo iyo heerka ku talagalka dakhligaas ee dalka loogu qoondaynayo iyo heerka qoonddo ee ugu habboon ee barnaamijyada ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee waax kasta gudaheed;
- t) In uu maareeyo iskuna dubbarido wadashaqeynta iyo xiriirka maaliyaddeed iyo dhaqaale ee caalamiga, Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah.
- Wasiirka waa in uu hubiyaa joogtaynta iyo habboonaanta maaraynta maaliyadda Dawladda iyo in si caddaalad ah oo loo siman yahay loogu tartamo, Lana eego wax-ku-oolnimada Kharashka iibka iyada oo la raacayo Sharciga Iibka ee Qaranka.
- Si Waafaqsan Sharciga Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Wasiirka ayaa yagleelaya, kadib marka uu oggolaansho ka helo Golaha Wasiirada, qaab dhismeedka qaybaha iyo waaxyaha ay Wasaaraddu ka kooban tahay, isaga oo waafajinaya shuruudaha sharcigani jidaynayo iyada oo si buuxda u fuliyo hawlaha halkan ku xusan. Faah faahinta la xiriirta qaab dhismeedka iyo waaxyaha, waxaa lagu soo saarayaa Xeer-nidaamiye ama
Xeer Wasiir.
Qodobka 9aad Awoodda iyo Mas’uuliyadda Soo Saaridda Xeerhoosaadyada, Tilmaamo iyo
Hagayaal
Si Wasiirku u guto waajibaadkiisa sida ku cad qodobka 8-aad, wuxuu yeelanayaa awooddaha soo socda:
- In uu oggeysiiyo Saraakiisha Idman qoraal ahaan mas’uuliyadooda ah isla xisaabtan cad iyo hufunaanta maamulka maaliyadda dowladda iyo Hantida kale ee lagu aaminay;
- In uu dajiyo, ka dib markuu la tashi la sameeyo mas’uuliyiinta ay khuseyo ee xubnaha dowladda federaalka, hababka loo xiriirinayo maaliyadaha Dowlad Gobaleedyada;
- In uu soo saaro tilmaamo khuseeya xiriirada ku haboon dowladda federaalka ay la yeelaneyso bangiyadda iyo hay’adaha kale ee lacagaha;
- In uu u yeesho galaangal iyo awood buuxda dabagalka xafiisyadda, iyo saraakiisha, dukumintiyadda, iyo diiwaanka maamulka maaliyadda iyo xeer hoosaadyadda ee hay’adaha dowladda oo sharcigu u oggolyahay.
- In uu diyaariyo una gudbiyo golaha wasiirada xeerhoosaadyada si ay u ansixiyaan;
- In uu soo saaro xeer hoosaadyo, tilmaamo, iyo hagayaal ah fulinta qodobadda sharcigan;
- In uu ansixiyo furitaanka xisaab bangi ee hay’addaha dowladda iyo qaabeynta saxiixa xisaabtaas bangi;
- In uu ansixiyo isbedel walba oo lagu sameeyo Nidaamka Maamulka Maaliyadda Soomaaliyeed iyo hab kasta oo kale oo ah nidaamka kumbiyuutarka ee Hay’adaha Dowladda kuwaas oo saameynaya maamulka maaliyadda;
- In uu sameeyo habka ilaalada hantidhowrka gudaha ee ku haboon hay’addaha dowladda;
- In uu ka dhex sameeyo wasaaradda nidaam isku xiran oo ku haboon xakamyenta kharashyada; iyo dhacdooyinka kale ee dhaqaale ee lagu galay Miisaaniyadda Qaranka, sidoo kale maamulka lacagaha;
- In uu dajiyo habraac ku haboon in lagu maamulo, kormeero laguna warbixiyo Hantida Dowladda Federaalka.
Qodobka 10aad
Xisaabiyaha Guud
- Mas’uuliyadaha gaarka ah ee Xisaabiyaha Guud waxaa ka mid ah;
- b) In uu maareeyo Xisaabaadka Miisaaniyadda Qaranka iyo in uu ilaaliyo xisaabaadka hay’ad kasta ee Dawladda;
- t) In uu fasaxo lacagaha ka baxaya Khasnadda Mideysan ee Qaranka, marka labda Aqal ee BFS ay ansixiyaan Miisaaniyadda Qaranka;
- j) In uu soo saaro amaro joogtaynaya nidaamka ilaalinta ballanqaadyada (Commitment Control system), ilaalinta korjoogtaynta, diwaangelinta, iyo warbixinta ballanqaadyada hay’adaha Dawladda;
- x) In uu kormeero, baaro, geli karana dhammaan xafiisyada Hay’adaha Dawladda ee lacagta iyo hantida Dawladda Federaalka gacanta ku haya, maamula ama xafida oo sharcigu u oggolyahay. kh) In uu soo saaro saadaasha lacagaha caddaanka ah ee Sanduuqa
Mideysan ee Qaranka;
- d) In uu guddoomiyo Guddiga Maamulka Khasnadda Mideysan warbixinna siiyo Wasiirka.
- In uu diyaariyo Xisaabaadka Sanduuqa Mideysan ee Qaranka, soona uruuriyo xisaabaadkooda oo dhan.
- In uu xaddido Qaab-dhismeedka Xisaabaadka iyo hal-beegga loo dejinayo nidaamka xisaabaadka ee Hay’addaha Dawladda iyo Dawlad Gobaleedyadda.
- sh) In inuu kormeero xaqiijiyana sax ahaanshaha qabashada iyo bixinta lacagta Dawladda, maareynta lacagaha caddaanka ah iyo keydadka Dawladda, sida la isugu gudbiyay lacagaha Dawladda, damaanadaha (securities), shaabadaha iyo hantida kale ee Dawladda Federaalka; iyo; dh) In uu guto waajibaad kasta oo kale oo sharci ama xeer-nidaamiye lagu soo saaray.
- Guddiga Maamulka Khasnaadda waa in uu Wasiirku magacaabo hawshooduna tahay in ay dib-u- eegis ku sameeyaan saadaasha lacagta caddaanka ah iyo kor joogteynta iyo isku-xirka maamulidda lacagta caddaanka ah iyo daymaha Sanduuqa Mideysan ee Qaranka. Waajibaadka shaqo iyo xubnaha ay ka koobnaan doonaanba waa in Wasiirku ku soo saaraa xeer-nidaamiye heer Wasiir.
Qodobka 11aad
Hanti Dhowraha Guud
- Sida ku cad Qodobbada 5aad iyo 6aad ee Sharciga Xafiiska Hanti Dhowraha Guud, Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka wuxuu leeyahay mas’uuliyadaha soo socda:
- b) In uu sameeyo Hanti-dhowris Madax-bannaan si loo ilaaliyo Hantida Qaranka iyo inuu bixiyo talooyinka lagu xoojinayo isla-xisaabtanka, daah-furnaanta iyo hufnaanta nidaamka maamulka maaliyadda ee Dawladda.
- t) Inuu hubiyo habsami u socodka maaliyadda, waafaqsanaanteeda, ilaalinta bi’adda, iyo macluummaadka tiknoolajiyadda, hawlaha hubinta tayada, iyo inuu dabagal ku sameeyo dhammaan hay’adaha dowladda oo sharcigu u oggolyahay, hay’adaha madaxa-bannaan, mashruucyada iyo shirkadaha dowladda, iyo hay’ad walba oo miisaaniyadda laga siiyo kab iyo mucaawinooyinka dowladda;
- j) Diiwaangelinta dhammaan sharciyada iyo heshiisyada, diiwaangalinta warrants (F16), hantida guurtada iyo maguurtadda, kala wareejinta Miisaaniyadda, deeqaha, iyo dhacdo dhaqaale kasto kale sida ku cad sharcigan;
- x) Inuu ilaaliyo dhowrista iyo ku dhaqanka sharciga maamulka maaliyadda iyo miisaaniyadda Dawladda, isaga oo wadashaqayn kala yeelanaya dhinacyada arrrimahani khuseeyaan, si kor loogu qaado, loona xoojiyo xirfadda Hanti- dhowrista iyo maamulka maaliyadda. kh) Baaritaannada dhammaan hawlaha la xiriira Dakhliga, Kharajyada,
Hantida, Dhulalka, iyo Hantida Maguurtadda Dawladda; iyo
- d) Inuu guto shaqooyin kale ee ku xusan sharciga Xafiiska Madaxabannaan ee Hantidhowraha Guud.
- Hanti-dhowreyaasha Dowladaha Xubnaha Dowladda Federaalka waxay yeelanayaan awoodo la mid ah awoodaha ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan ee heerkooda dowladeed, waxayna iskaashanayaan Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka haddii loo baahdo.
Qodobka 12aad
Saraakiisha Idman ee Wakaaladaha/Shirkadaha
ee Dawladda
- Hay’ad kasta iyo mashruuc ama wakaalad kasta oo Dawladeed waxaa loo magacaabayaa Sarkaal Idman kaas oo ah sarkaalka Mas’uulka ka ah hay’adda ama mashruuca, iyadoo loo marayo habraaca qorista saraakiisha dowladda:
- Agaasimaha Guud ee Xafiiska Madaxweynaha Qaranka.
- t) Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya.
- j) Agaasimaha Guud ee Wasaaradaha Federaalka;
- x) Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka. kh) Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare
- d) Agaasimaha Guud ee Maxkamada Sare.
- Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka.
- Agaasimaha Iibka Qaranka; sh) Agaasimayaasha Guud ee Guddiyada Qaranka; dh) Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha iyo Shirkadaha Dawladda.
- Sarkaal kasta oo idman ee hay’adaha iyo shirkadaha Dawladda wuxuu mas’uul ka yahay dhammaan arrimaha la xiriira maamulka lacagaha dadweynaha, hantida iyo qaamaha hay’adaha Dawladda ee uu mas’uulka ka yahay, taasi oo ay kamid yihiin iyadoo aysan ku koobnayn;
- Diyaarinta qorsha sannadeedka, miisaaniyadda iyo ku-tala-galka Kharashka ee qorshaha xilliga dhexe ee hay’adda uu masuulka ka yahay;
- t) Ilaalinta iyo kor-joogteynta fulinta Miisaaniyadda hay’adda uu masuulka ka yahay, si waafaqsan sharcigan, xeer-nidaamiyeyaasha iyo tilmaamaha Wasiirka;
- j) Haynta (maintain) xisaabaadka iyo diiwaanada hay’adda uu masuulka ka yahay si waafaqsan xeer-nidaamiyeyaasha ama hageyaasha uu soo jeediyo Xisaabiyaha Guud;
- x) Diyaarinta iyo u-gudbinta warbixinada Wasaaradda ama Xisaabiyaha Guud sida uu qabo Sharcigan iyo xeer-nidaamiyeyaasha ama hageyaasha raacsan Sharcigan;
Kh) Diyaarinta iyo hirgalinta qorshaha kharashka baxaya si waafaqsan
Sharcigan iyo xeer-nidaamiyeyaasha ama hageyaasha raacsan Sharcigan;
- d) Maareyn hufan, oo wax-ku-ool ah, oo daah-furan, lagu maamulo dhammaan lacagaha hay’adda;
- In si hufan, oo wax ku ool ah, oo daah-furan loo yegleelo ilaalinta gudaha (internal controls) iyo maareynta khataraha (risk management);
- Kormeeridda iyo xaqiijinta in sida ugu habboon loo isticmaalo lacagaha Dawladda ee hay’dda uu masuulka ka yahay hoos yimaadda;
- sh) Bixinta macluumaad kasta oo ay ka dalbanaan Wasaaradda iyo Xafiiska Hanti Dhowraha Guud.
- dh) Fulinta soo-jeedimaha hanti-dhowrista ee ay Wasaaradda iyo Hanti Dhowraha Guud soo jeediyeen.
- Xaqiijinta ku-dhaqanka dhammaan qodobada ku xusan sharcigan iyo xeer-nidameyaasha kale ee uu soo saaro Wasiirku iyo Shuruucda kale ee la xiriira maareynta maaliyadda Dawladda; iyo
- g) In uu diyaar u noqdo in Baarlamaanka Federaalku kala xisaabtami doono dhammaan lacagaha Dawladda iyo hantidii lagu aaminay hay’adda uu mas’uulka ka yahay.
- Sarkaalka idman ee Wasaaradda Federaalka ah wuxuu gudanayaa waajibaadkiisa asagoo raacaya jiheynta guud ee Wasiirka Federaalka ah ee Wasaaradda Federaalka ah, balse Wasiirka Federaalka lama wareegi karo awoodda Sarkaalka idman. Haddii Sarkaalka idman iyo Wasiirka Fedraalka isku waafaqi waayaan fasiraadda sharcigan, Sarkaalka idmani wuxuu jiheyn weydiisanayaa Wasaaradda.
QEYBTA 3aad
DIYAARINTA IYO ANSIXINTA MIISAANIYADDA
Qodobka 13aad
Qorshaha Siyaasadda Miisaaniyadda
- Wasiirka ayaa mas’uul ka ah diyaarinta iyo faafinta buugga Haykalka Siyaasadda Maaliyadda Xilliga Dhexe (Medium-Term Fiscal Policy Framework paper) kaas oo daboolaya muddo seddex sano ah, ka bilaabaneysa sannad maaliyeedka xiga.
- Buugga Haykalka Siyaasadda Maaliyadda Xilliga Dhexe (Medium- Term
Fiscal Policy Framework Paper) waa in ay ku jiraan ugu yaraan;
- b) Qiimeynta isbadaladdii ugu dambeeyey ee ku yimid horumarka dhaqaalaha-guud iyo natiijada ka soo baxday Miisaaniyadda Qaranka;
- t) Saadaasha Dhaqaalaha Guud (Macroeconomic) ee wadanka ee saddexda sano ee soo socota;
- j) Saadaasha Dakhliga Dawladda Federaalka iyo kharshka Miisaaniyadda
Qaranka ee sadexda sano ee soo socota;
- x) In la muujiyo farqiga maaliyadeed iyo istraatijiyadda maaliyadeed ee lagu dabooli lahaa Miisaaniyadda Qaranka ee saddexda sano ee soo socda; iyo
- kh) Faahfaahinta halbeegyada siyaasadada maaliyadda ee saddexda sano ee soo socda;
- Xeer-nidaamiye ayaa lagu caddeynayaa muddada iyo hab-raaca loo diyaarinyo iyo faafinta Buugga Haykalka Siyaasadda Maaliyadeed ee Xilliga
Dhexe.
Qodobka 14aad
Qaab-Dhismeedka Miisaaniyadda
- Dhammaan dakhliyada iyo kharashyada ee sanduuqa Qaran ee Mideysan waa in la kala sooco iyada oo la isticmaalayo nidaam isku mid ah kaas oo loo adeegsanayo Miisaaniyadda iyo Xisaabaadkaba.
- Miisaaniyada Qaranka waa in laga helo, ugu yaraan kala soocid maamul iyo kala soocid dhaqaale kuwaas oo waafaqsan halbeegga xisaabaadka caalamiga ah, meeshii looga baahdo, waxaana ka mid noqon kara kala soocid walba oo kale oo uu Wasiirku muhiim u arko.
- Kala soocidda maamul ee Miisaaniyadda Qaranku waa inay waafaqdo liiska hay’adaha Dawladda ee ku xusan Sharcigan.
- Xeer-nidaamiyeyaal ayaa qeexi doona unuga qoondada Miisaaniyada Qaranka iyo kala soocidda miisaaniyada taas oo lagu dabaqi doono
Miisaaniyada Qaranka.
Qodobka 15aad
Aasaaska Guud iyo Guud-marka Miisaaniyadda
- Dhammaan kharashyada hay’adaha Dawladda iyo Mashaariicda dibadda laga maalgeliyo waa in lagu ogolaadaa miisaaniyada Qaranka.
- Miisaaniyada Qaranka waa in ay noqoto hal miisaaniyad mideysan oo ay ku jiraan miisaaniyadda joogtada ah iyo miisaaniyadda raasumaalka ah.
- Kharashka joogtada ah iyo kharashka hantida maguurtada ah waa in lagu qeexaa qaab-dhismeedka xisaabaadka ee waafaqsan hal-beegga la oggol yahay ee caalamiga ah.
- Dakhliga iyo kharashka waa in lagu diiwaangeliyo Miisaaniyadda Qaranka gudaheed wadar guud ahaan iyada oo aan midna midka kale laga goynayn.
Qodobka 16aad
Dakhliga Dheeriga ah
- Marka dakhliga soo galay uu ka bato qiyaastii miisaaniyadda qaranka la filayey, dakhliga dheeriga ah looma isticmaali karo kharash ahaan, iyada oo aan laga haysan ogolaansho labada gole ee Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya.
Qodobka 17aad
Diyaarinta Miisaaniyada Sannadlaha
- Wasiirku isaga oo saldhig uga dhigaya soojeedinta miisaaniyadda wasaaradaha iyo Baarlamaanka oo ay la socoto sababeyn iyo xogaha ay ururiyeen saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda, ayuu diyaarinaya Qoondada Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka xiga ugu danbeyn 30-ka bisha September ee sannad walba.
- Qoondada Miisaaniyadda Qaranka ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada oo ay la socoto warbixinta Wasiirka ayaa labada gole ee BFS loo soo gudbinayaa ugu danbeyn 30 Oktobar.
- Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dedaalaya tixgalinta iyo ansixinta soo jeedinta Qoondada miisaaniyadda sannadle ugu dambeyn 31da bisha Diseember ee sannad walba.
- Wasiir kasta ee Federaal ah waa in uu diyaariyo dukuminti uu ku faahfaahnnyo soojeedinta Miisaaniyadda ee wasaaradda Federaalka isaga oo raacaya habraaca uu Wasiirku ku soo saaray xeer-nidaamiyeyaasha. Wasiir kastaa waa inuu u gudbiyo dukumeentigaa Wasiirka muddada lagu cayimay Wareegtada Soo-codsasahada Miisaaniyadda (Budget Call Circular).
- Wasiirka ayaa maamulaya habka loo diyaarinaya Miisaaniyadda Dawladda waxaanu kala tashan doonaa Guddiyada Maaliyadda ee labada gole BFS, nuxurka soo jeedinteeda Miisaaniyadda Qaranka inta aan Baarlamaanka Federaalka la hor keenin.
- Xeer-nidaamiye wakhti-muddeysan leh ayaa qeexi doonaa tallaabooyinka muhimka u ah diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka:
- b) Diyaarinta iyo faafinta buugga Haykalka Siyaasadda Miisaaniyadda xilliga dhexe (Medium-Term Fiscal Policy Framework Paper);
- t) U Soo saaridda Hay’adaha Dawladda Wareegtada Soo-codsashada Miisaaniyadda (Budget Call Circular) kaas oo bixinaya tilmaamo iyo hab raacyo diyaarinta soo jeedinta Miisaaniyadda ee hay’adaha Dawladda;
- j) U soo gudbinta Wasaaradda dhammaan soojeedimaha Miisaaniyadaha ay sameeyeen hay’adaha Dawladda;
- x) Wada-xaajood u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adaha oo ku saabsan soo jeedinta miisaaniyaddooda; iyo
- kh) Soo gudbinta Miisaaniyadda Qaranka uu Wasiirka u soo gudbinay labada Aqal ee BFS.
Qodobka 18aad
Dukumiintiyada iyo Tusmoyinka Soojeedinta Miisaaniyadda
- Soo jeedinta Qoondada Miisaaniyadda uu u gudbiyey Wasiirku Labada
Aqal ee BFS waa in ay ku jiraan;
- b) Qabyo qoraalka xeerka qoondada iyo faah-faahinta dakhliga la filayo iyo qoondooyinka; iyo
- t) Warbixin ay ku jiraan;
- Natiijadda isbadalka Miisaaniyadda Qaranka sannadkii tagay iyo sannadkan iyo;
- Liiska balan-qaadyada/gedebta sannadaha taagan (multiannual commitments);
- Shaxda Kharashka gashibaxa (Expenditure Arrears), deynta Dawladda, deeqaha iyo damaanadaha (guarantees); iyo
- Nuxurka tusmooyinka kale ee Wasiirku ku qeexay xeernidamiyeyaasha iyo wareegtooyinka.
- j) Xeer maaliyadeed kaas oo qeexaya qiimaha tarifada canshuur ahaan loo qaadayo iyo dakhliga kale ee aan Canshuurta ahayn ee sannad maaliyadeedka soo socda, kaas oo waafaqsan dakhliga miisaaniyadda ee la filayo oo ay ku jiraan qiyaasta canshuur kasta oo kale oo cusub ama isbedelka qiimaha tarifada canshuurta ee jira;
- x) Siyaasadda hoos-u-dhaca oo ay kamid tahay xadaynta hoos-udhacyada uu si maldahan u dalbayo yoolka maaliyadeed (fiscal targets) si loo helo dheelitirka guud ee miisaaniyadda.
Kh) Siyaasadda deymaha iyo faafaahinta sheegaysa sida daymahaa loo bixin karo iyo xaddiga daymuhu aysan dhaafi karin. d) Warbixin sannadeedka canshuur dhaafka.
- r) Warbixinta Deeqaha
Qodobka 19aad
Qoondeynta Lama Filaanka
- Miisaaniyadda Qaranka, Labada Aqal ee BFS ayaa ansixin doona qoondada ku-tala gal aan la fileyn oo aan ka badneyn 5% wadarta guud ee Dakhliga gudaha, sida lagu saadaaliyey Miisaaniyadda Qaranka oo loogu talo galayo in uu daboolo kharash ay baahi deg deg ahi keentay ama kharash aan hore loo sii saadaalin oo aan ku-talogal kale ugu jirin Miisaaniyadda.
- Kharashka deg-degga ah waxa lagu bixin karaa oggolaanshaha Wasiirka, oo ka wareejin kara lacagaha ku jira qoondaynta lamafilaanka ah marka ay lacag dheeri ah ay u baahato hay’ad Dawladeed oo aan ku jirin ku-tala galka miisaaniyadda sida ku cad xeerka qoondada Miisaaniyadda, soona caddeeyaan in si degdeg ah loogu baahan yahay bixinta lacagtaas isla sannad maaliyadeedkaas, khrashkaas oo aan horay loogu saadaalin miisaaniyadda sannadlaha ah, isla markaana aan kharash bixintaa dheeriga ah dib loo dhigi karin inta laga gaadhayo miisaaniyadda ku celiska ah ee kabka Miisaaniyadda ama aan kharash bixintaas Miisaaniyadda sannadka dambe lala sugi karin, oo aan u keenayn dhaawac danta guud ee Qaranka.
- Ujeedada baahida kharash bixintan deg-degga ah iyo lama filaanku;
- Waa in ay baahidu noqoto mid aan dib loo dhigi karin inta laga gaarayo miisaaniyadda sannadka xiga iyada oo aan dhawaceyn danta guud;
- t) Waa inay ka jawaabto marka ay dhacaan musiibooyinka dabiiciga ah, cudurada faafa iyo dhacdo kasta oo ka mid ah kuwa Qaranka geliya gurmadka deg degga ah ee ku xusan qodobka131aad Dastuurka Ku meel gaarka ah;
- j) Waa in aanay suura gal ahayn in laga maalgaliyo qoondada miisaaniyadda, iyada oo la adeegsanaayo dib u qoondeynta kharashka sida ku xusan sharcigaan oo ayna jirin hab kale oo ka fudud oo lagu maareyn karo kharashka guud ee la hayo;
- x) Waa in aanay ku jirin Qoondada Miisaaniyadda Qaranka ee sannadka;
- kh) Waa in aanay la xariirin kordhin mushaar shaqaale ama kordhin tirada/cadadka shaqaalaha Dawladda;
- Ka dib marka uu wasiirku ansixiyo kharashka ku xusan faqradda 2aad ee qodobkaan, cadadka oggolaashahaas waa in laga wareejiyo keydka ku tala galka laguna wareejiyo mas’uuliyadaas hay’adda Dawladda ee ay khuseyso.
- Wasiirku waa in uu;
- Siiyo Baarlamaanka Federaalka warbixin seddex biloodle ah oo ku saabsan qaddarka kharashka ah ee laga soo wareejiyey kabka lama filaanka (contingency) ee Qoondada Miisaaniyad sannadeedka; iyo
- t) Inuu ku soo daro cadadka kharashka laga soo wareejiyey kabka lama filaanka (contingency) ee Qoondada Miisaaniyadda ku celiska ah (supplementary budget) ee xiga isla sannadka gudihiisa.
Qodobka 20aad
La socodka dadweynaha ee Miisaaniyadda
- Labada Gole marka ay Miisaaniyadda ansixiyaan waa in ay u fududeeyaan dadweynaha inay si fudud oo degdeg ah ku heli karaan ulana socon karaan.
Qodobka 21aad
Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka
- Xeerka Qoondada Miisaaniyadda iyo kabka dheeriga ah ee Miisaaniyadda (supplementary) waa in la soo saaro iyada oo lagu salaynayo hal sano maaliyadeed oo ku-eg dhammaadka sannad maaliyadeedka la ansixiyey. Xeerka Qoondada waxaa ansixinaya labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
- Xeerkan Sannadlaha ah ee ku talo-galka qoondada Miisaaniyadda waa in la meel mariyo ka hor bilowga sannad Maaliyadeedka loogu talo galay.
Qodobka 22aad
Isticmaaka miisaniyadda ku-meelgaarka ah
(Vote on Account)
- Haddii Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalku ay meelmarin waayaan miisaaniyadda Qaranka ka hor bilowga sannad maaliyadeedka, waa in uu sharcigu oggolaado in si ku meel gaar ah loo isticmaalo miisaaniyadda muddo markii la isku daro aan ka badneyn sadex bilood.
- U codeynta Xisaabta (Vote on Account) ee Miisaaniyadda waxaa saldhig u noqonaya ku talo-galkii Qoondada Miisaaniyadda sannadkii hore.
- Inta lagu guda jiro muddada isticmaalka ku meelgaarka ah ee miisaaniyadda, awoodsiinta kharashbixintu (Expenditure Warrants) waa in ay ku xaddidan yihiin 1/12 wadarta guud ee kharashka ka muuqata madax-xigeen kasta ee Qoondada Miisaaniyadda bil kasta oo ka mid ah muddada oggolaanshaha.
- Marka kharashku leeyahay muddo xaddidan oo lagu bixinayo ay ku soo aado waqtigan isticmaalka ku meelgaarka ee Miisaaniyadda waa suuro gal in la bixiyo dhammaan wadarta ay waajibtey kharshbixinteedu, balse haddii wakhtiga bixinteeda ka baxsan yahay muddada ku xusan qodobkan (1) lacagtaas waa in aan la isticmaalin ama la bixin.
- Kharashyada la bixiyey muddada lagu jiray kharsh bixintan ku meelgaarka ah ee miisaaniyadda waa in ay noqdaan qeyb ka mid ah oggolaanshaha miisaaniyadda ee sannad miisaaniyadeedkaas.
Qodobka 23aad
Kabidda dheeriga ah iyo ku Noqoshada Miisaaniyadda ee Saannadka Dhexdiisa
- Inta lagu guda jiro sannad miisaaniyadeedka la ansixiyey, waxaa wax laga bedeli karaa Miisaaniyadda Qaranka iyada oo la isticmaalaayo qaab kab Miisaaniyadeed oo uu soo diyaariyey Wasiirku, isla markaana labada gole ee BFS ay ansixiyeen.
- Wasiirku waa inuu u gudbiyo Baarlamaanka qabyo qoraalka kabka miisaaniyadda marka;
- b) La kordhinayo kharashka guud ee Miisaaniyadda asalka ee Qaranka.
- t) La wareejinayo cadad meel ku jiray oo meel kale loo wareejinayo oo ka mid ah Miisaaniyadda asalka ah ee Qaranka, weliba marka wareejintaas ay dib-u-qoondayn lagu sameyn karayn sida ku xusan qodobka
33aad.
- j) La abuuro qoondo cusub oo aan horay ugu jirin Miisaaniyadda Qaranka ee asalka ah ama in la bedelo ujeedada qoondada ee Miisaaniyadda Qaranka ee asalka ah.
- x) Wax ka bedel weyn lagu sameeyo ku-talo-galka dakhliga ee asalka Miisaaniyadda Qaranka oo is-dhimis baaxad leh ku sameyaysa dhammaan kharashyada Miisaaniyadda Qaranka ee asalka ah.
- Miisaaniyadda kabka waxay kordhin kartaa wadarta kharashyada ku xusan asalka Miisaaniyadda Qaranka, marka keliya ee la kordhin karaa wadarta Kharashyada waa haddii:
- b) ay jirto xaalad gurmad Qaran oo deg deg ah, dagaal ama xaalad kale oo dhaqaale iyo maaliyadeed oo aan horay loo saadaalin (cir ka soo dhac ah); ama
- t) Lagu maalgalin karo in sare loogu qaado Dakhliga Dawladda Federaalka.
- Wasiirku waa in uu u gudbiyo labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Qabyo qoraalka Miisaaniyadda kabka, waana in ay ku jirto:
- b) Qabyo qoraalka kabka qoondadiisa waxaa laga hab raacayaa nidaamka qoondada si la mid ah Qoondada asalka ahayd.
- t) Sababaha Miisaaniyadda kabka ah loogu baahan yahay; iyo
- j) Marka la kordhiyo wadarta Kharashyada ama hoos loo dhigo wadarta dakhliga, waxa la soo raacinayaa warbixin faah-faahsan oo tilmaamaysa ilaha maaliyadeed iyo saamaynta ay ku yeelaneyso saadaasha Maaliyadeed ee Dawladda Federaalka.
- Hay’adaha Dawladdu marka ay codsanayaan lacag dheeri ah waa in ay u maraan kabid Miisaaniyadeedka si waafaqsan wareegtada uu soo saaray Wasiirku ee diyaarinta miisaaniyadda kabka.
- Wasiirku waa in uu u gudbiyaa labada gole ee BFS warbixinta bartamaha sannad maaliyadeedka ee fulinta Miisaaniyadda Qaranka, isaga oo aan ka dib dhicin 15 bisha Agoosto ee sannad kasta, kuna soo lifaaqayo faahfaahinta dakhliga soo xarooday, kharashyada baxay lixda bilood ee hore sannad maaliyadeedka iyo hadii loo baahdo talo soo jeedin kab miisaaniyadeed oo u baahan oggolaanshaha labada gole ee BFS.
Qodobka 24aad
Kharash Dheeri ah
- Haddii ay hay’ad Dawladeed bixiso kharash dheeri ah ama ay galaan kharashyo aan Miisaaniyadda ku jirin ama aan ku jirin ansixinta hore ee Miisaaniyadda Kabka ah ee labada gole ee BFS, waa Kharash sharci daro ah waana in laga jaro qoondadoodii miisaaniyadda qaranka ee loogu tala galay hay’adaas sannad Maaliyadeedka xiga markii labada gole ee BFS ay oggolaadaan.
Qodobka 25aad
Caddeynta Miisaniyadda iyo Dhaqangelinta Hindisa Sharciyeedka
- Dhammaan hindse-sharciyeedyada u baahan oggolaanshaha labada aqal ee BFS waa in la soo raaciyo caddeymo sugaya saamayntooda miisaaniyadeed, oo sheegaya shuruucdaas sida ay raad ugu yeelan karaan dakhliga iyo kharashyada sannad maaliyadeed kan hore iyo kan ku xigaba.
- Wasaaradda Federaalku waa in ay soo diyaariyso, una soo gudbiso Wasiirka iyagoo u soo caddaynaya Wasiirka sida ay u saameyneyso Miisaaniyadu ka hor inta aan hindise sharciyadeed loo gudbin Golaha Wasiirada.
- Wasiirku waa in uu u keenaa Golaha Wasiirada talo jeedin ku saabsan suura galnimada hindise sharciyeed kasta oo saameyn ku leh
Miisaaniyadda iyo cadeymaha la xiriira.
- Wasiirku waa in uu diyaariyaa talooyin faah-faahsan oo ku saabsan diyaarinta iyo cadeymaha saameyn kara Miisaaniyadda.
QAYBTA 4AAD
DHAQAN GELINTA MIISAANIYADDA
Qodobka 26aad
Wakaalasho Awood Shaqo
- Ayadoo aysan waxba u dhimayn awoodaha Xisaabiyaha Guud ee ku cad qodobka 10aad, Wasiirku waa u wakiilan karaa mas’uuliyadihiisa qayb ahaan a ma dhammaantood shaqooyinka la xiriira dhaqan galinta Miisaaniyadda sarkaal wasaaradda ka tirsan. Awooda sidaa loo wakiishay waa in ay waafaqsan tahay shuruucda kale oo qeexaya awoodaha ku xigeennada iyo inta kale ee awoodaha sharci leh oo ka mid ah saraakiisha Dawladda. Wakiilashadaan mas’uuliyadeed waa in aysan noqon mid ka qaadaysa xilka iyo awoodaha wasiirka iyo mas’uuliyadaha guud ee uu sharcigan ku waajibiyay.
- Wasiirku waa in uu soo saaro faafiyana wareegto Wasiir oo uu ku caddeynayo wakiilashada awoodihiisa iyo waajibaadka lagu xusay Sharcigaan iyo xeer-nidaamiyeyaasha uu sharciagan waajibiyey.
- Saraakiisha Idman waxay si qoraal ah u xilsaari karaan awoodaha fulinta dhaqan galinta Miisaaniyadda saraakiil kale oo kala shaqeeya hay’adaha ay maamulaan. Wakaalashada noocaas ah waa in aysan ka wareejin sarkaalka mas’uuliyadda uu sharcigani iyo hab-raacyadiisuba ku waajibiyey.
- Wasiirka ayaa Wareegto tilmaameysa (instrutions) ku soo saaraya waajibaadka loo xilsaaray wakiilashada Saraakiisha Idman.
Qodobka 27aad
Xeerarka Guud ee la Xiriira Fulinta Miisaaniyadda
- Waa in aysan dhicin ballan qaad iyo kharash bixin ay sameeyaan Hay’adaha Dawladdu oo ka badan ama ka baxsan qoondada Miisaaniyadda Qaranka waxa ayna ku xiran tahay lacagaha loo hayo ee ku cad kala qoondaynta Miisaaniyadda Qaranka.
- Iyadoo aan waxba u dhibayn faqrada 1aad, bixinta deymaha waa suuro gal in loo bixiyo si ka badan qoondada Miisaaniyadda Qaranka.
- Wasiirku waa in uu ku soo saaro wareegto uu ugu caddeynayo saraakiisha xisaabaadka ee hay’adaha Dawladda cadadka qoondo ee ay Miisaaniyadda ku leeyihiin iyo waqtiga ay isticmaali karaan sannad maaliyadeedka oo ku saleysan qorshaha kharash ee la soo gudbiyey si waafaqsan qodobka 27aad farqadiisa 1aad ee sharcigan.
- Kharash iyo ballan-qaad toona miisaaniyadda Qaranka lama samayn karo iyada oo aan la qoondayn Miisaaniyadda sida ku xusan farqada 1aad.
- Dhammaan bixinta lacagaha waa in si toos ah looga bixiyaa Xisaabta Khasnadda Mideysan ee Bangiga Dhexe.
- Dhammaan macaamilada ku saabsan qabashada dakhliga iyo bixinta kharashka waa in la mariyaa nidaam-Xisaabeedka Maareynta Macluumaadka Maaliyadda Soomaaliyeed (SFMIS) isna waafaqaan warbixin xisaabeedka Bangiga (Bank statement) ee ka timid Bangiga Dhexe.
- Wasiirku waa in uu sannad walba soo saaro Wareegtada Dhaqan-gelinta Miisaaniyadda kuna faah faahiyo xeerarka la xiriir dhaqan gelinta miisaaniyadda.
Qodobka 28aad
Qorshaha Kharash Bixinta
- Sarkaalka Mas’uulka ka ah Hay’adda Dawladda ayaa u soo gudbinaya Wasiirka, ka hor ansixinta Miisaaniyadda loo soo jeediyey Baarlamaanka Federaalka, qorshaha kharash ay ku jiraan qiyaas bileed kharash ee qoondada Miisaaniyadda Qaranka, sida iyo xilliga uu u soo qoro Wasiirka.
- Sarkaalka Mas’uulka ka ah Hay’ada Dawladda ayaa ku noqonayo qorshaha kharashaynta iskuna soo dubaridaya kharash bileedka kuna saleynaya miisaaniyadda sannadka una soo sameeynaya tubta uu Wasiirka u jeexay.
Qodobka 29aad
Heshiisyada iyo Qandaraasyada Soo Iibsiga
- Dhammaan iibka agabka iyo adeegga Ganacsatadda oo ay ku jiraan maalgashiga mashaariicda waxay u hogaansamayaan Sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka ee 2016, wax ka bedelkii lagu sameeyey, iyo xeerarka kaabaya.
- Dhammaan Qandaraaslayaasha waxaa loo tixgelinayaa ballanqaadyadooda/yaboohooda.
Qodobka 30
Hubinta Balan Qaadyada
Ballanqaad ka soo horjeeda qoondada Miisaaniyadda Qaranka, lama sameyn karo, haddii uusan aheyn mid uu codsaday loona oggolaaday Sarkaalka Idman ee hay’adda Dawladda.
- Wax Heshiis ah ama amar lacag lagu bixinayo ee Miisaaniyadda Qaranka ma geli karaan hay’adaha Dawladu, haddii aysan jirin haraa ku filan oo aan la meelayn ee qoondadoodii miisaaniyadda oo lagu bixin karo qaamaha marka la gaaro waqtiga bixintooda.
- Hay’ada Dawladu waa in aysan gelin ballan qaadyo si ay u iibsato agab iyo adeegyo iyada oo aan horay uga heysan oggolaansho Wasiirka, weliba marka deyn jirto ka timid sanooyinkii hore oo ku xusan diiwaanada hay’adda Dawladda.
- Iyada oo aan waxba u dhimeyn farqada (1aad) Sarkaalka Idman ee Hay’adda Dawladdu waa in uu marka hore haystaa oggolaanshaha wasiirka inta uusan sameyn balan-qaadyo soconaya wax ka badan hal sannadmaaliyadeed.
- Wasiirku waa in uu dejiyo xeer-nidaamiyaha la raacayo iyo hab diiwaaneedka la doonayo in lagu ilaaliyo ballan-qaadyada lagu dallacyo qoondo kasta ee la diiwaan gelinayo.
- Sarkaalka Idman ee Hay’adda Dawladdu waa in uu kaydiyaa diiwaannada lagu ilaalinayo ballan-qaadyadii qoonda kasta lagu dallacay, iyada oo loo raacayo habka Wasiirku soo saaray.
Qodobka 31aad
Bixinta Kharashka Agabka iyo Adeegyada
- Wax kharash ah lagama bixin karo Misaaniyadda Qaranka, haddii aysan jiirin, qaansheegto ama caddeyn kale oo dheeraad ah oo looga baahan yahay sida ku xusan xeer-nidaamiyaha ama nidaamka xisaabaadku sheegayo, Sarkaalka Idman ee Hay’ad Dawladeed waa in uu caddeeyaa;
- b) Haddii lacagta lagu bixinayo hawl la qabanayo, agab la keenayo ama adeeg la qabanayo.
- Waa in shaqada la qabtay, agabkana lala wareegay, adeeggana la fuliyay iyo qiimaha la soo dallacay in uu waafaqsan yahay heshiiska, haddii aan heshiiska lagu xusinna, waa in uu yahay mid macquul ah.
- Bixinta lacagtu waa in ay waafaqasan tahay heshiiska haddii ay noqoto in la bixiyo lacagta, iyada oo la raacayo shuruudaha heshiiska ku qoran, ka hor inta aan la dhamaystirin hawsha, la keennin agabka, ama aan la bixin adeegga; iyo
- Lacagta la sheeganayo waa in ay caqli gal tahay waana in laa raaco xeer-nidaamiyaha Wasiirku soo saaray haddii ay tahay in hormaris la bixiyo ka hor inta aan sheegashada la xaqiijin; ama
- t) Haddii ay jiraan kharashyo kale, cidda qaadatay waa in ay tahay shaqsigii xaqa u lahaa in la siiyo.
- Wasiirku waa in uu ku soo saaraa Wareegtada Dhaqan-galka Miisaaniyadda xadaynta bixin hormaris ah ka hor inta aan la qaban shaqada, ama aan lala wareegin agabka ama aan la bixin adeegaba.
- Bixin hormaris kasta oo laga sameeyay Miisaaniyadda Qaranka waa in dib loogu soo celiyaa ama laga tiraa (loo aqoonsadaa mid la isticmaalay) isla sannad maaliyadeedkaas marka hormariskaas la bixiyay.
- Sarkaalka Idman ee Hay’adkasta ee Dawladeed waa in uu kaydiyo diiwaanada lacagaha hormariska ah ee taagan isaga oo raacaya habka uu jidaynayo xeer-nidaamiye waafaqasan sharcigan.
Qodobka 32aad
Oggolaansho Kharash Bixin
- Xisaabiyaha Guud ayaa sameynaya bixinta dhammaan kharashyada ka baxaya Misaaniyadda Qaranka, isaga oo keliya ayaa leh awoodda oggolaashaha bixinta kharashyada ay soo codsadaan Hay’adaha Dawladdu isaga oo faraya Bangiga Dhexe in uu kharashaadkaa ka bixiyo Xisaabta Khasnadda Midaysan ee Dawladda (National Consolidated Treasury Account).
- Codsi Kharash bixin kasta waa in marka hore oggolaansho laga haysto Xisaabiyaha Guud.
- Bankiga Dhexe ayaa mas’uul ka ah bixinta kharashyada sida uu amray Xisaabaha Guud iyo ciddii kale ee saxiix idman ku leh xisaabta Khasnadda Midaysan ee Dawladda.
- Kharash bixin walba ee la oggolaaday waa in ay ku lifaaqan yihiin dhammaan dukumeenti kaabaya sida ku qeexan Xeer-nidaamiyaha Wasiirku soo saaray.
- Kharashka la bixinayo waxa la siin karaa oo keliya cidda diiwan gashan. Tani waxa ku jira kharash bixin aan Mushaar ahayn iyo takaaliiftasafarada ee la siiyo shaqsiyaadka awalba ka qaata Misaaniyadda Qaranka mushaar, gunno, macaash ama magdhow kale. Ganacsatada leh shati waa in laga diiwan geliyaa Xafiiska Xisaabiyaha Guud sida ku cad Sharciga Iibka Qaranka ee 2016-ka.
Qodobka 33
Kala wareejinta Qondooyinka Miisaaniyadda Qaranka
Iyada oo aan wax laga bedelin wadarta qoondada ee Hay’ad Dawladeed, Wasiirku waa uu kala wareejin karaa, marka codsi uga yimaaddo Sarkaalka Idman, kala wareejinta;
- b) Lacag ku jirta qoondada hay’adda ee kharashyada joogtada ah oo laga wareejiyo looguna wareejiyo isla kharsahyada kale oo joogtada ah ama kharashyada Ra’sumaalka; iyo
- t) Kharashyada Ra’asumaalka ayaa loo wareejin karaa isla kharashyada kale ee ra’asumaal.
- Sida Sharcigani xeerinayo, Wasiirka ayaa kala wareejinaya miisaaniyadda laba hay’adood kolka la xaqiijiyo in ay jirto baahi kala wareejin ee labada hay’adood, lagana helo qoraal cad oo kasoo baxa labada hay’adood, intaa kadib Wasiirku wuxuu la socod siinayaa labada aqal ee BFS kala wareejinta.
- Waxaa reebban in lacag ku jirta qoondada kharashka raasumaalka loo wareejiyo midka kharashyada joogtada ah.
- Wasiirka waa in;
- b) uu siiyo labada aqal ee BFS warbixin seddex biloodle ah oo ku saabsan kala wareejinada qoondooyinka sida ku xusan sharcigan; iyo
- t) in uu ku daro lacagaha la wareejiyay kabka miisaaniyadda xigta.
- Sharciga Qoondooyinka waa in ay ku caddahay nidaamka kala wareejinta qondooyinka si waafaqsan nuxurka qodobkaan.
Qodobka 34aad
Dhicitaanka Qoondooyinka Dabayaaqada
Sannad-maaliyadeedka
- Dhammaan qoondooyinka aan la isticmaalin iyo dhammaan qaybihii miisaaniyadda ee aan la ballan-qaadin, waxa ay dhacayaan dhammaadka sannad Maaliyadeedka.
- Dhammaan haraaga qoondooyinka la ballan qaaday balse aan la bixin ka hor sannad Maaliyadeedka dhammaadkiisa waxaa la haynayaa si loogu bixiyo balanqaadyadaas muddo ku siman soddon (30) maalmood laga bilaabo dhammaadka sannad maaliyadeedkii hore, balse waxa ay ku xirnaan doontaa in lacag loo hayo, iyo uu Xisaabiyaha Guud la saxeexo.
- Diiwaan gelinta, xisaabinta iyo warbixinta lacagaha aan la bixin waxaa la-
gu qeexayaa xeer-nidaamiye ama Wareegtada Dhaqan-gelinta Miisaaniyadda, iyo in la xaddido taariikhda ballanqaad cusub la geli karo oo aan ka dib dhicayn tobanka Diseembar (December 10).
QAYBTA 5AAD DEYMAHA, DAMMAANAD-QAADKA DOWLADDA IYO MAAMULKA
DEEQAHA
Qodobka 35aad
Oggolaanshaha Labada Aqal ee BFS
Deymaha iyo Dammaanadaha
- Labada Aqal ee BFS ayaa ku soo saaraya xeerka qoondada, jaangoynta xadka lama dhaaafaanka ah ee deymaha cusub, gudaha iyo dibedda, damaanadaha Dawladda Federaalka iyo oggolaanshaha shuruudaha iyo xaaladaha ku xeeran deynta, marka laga reebo amaahda laga helo soo saaridda damaandaha (securities).
- Wasiirku waa in uu Labada Aqal ee BFS hor keenaa shuruudaha iyo xaaladaha deynta ama damaanadaha, mana noqon karto dhaqan gal ka hor inta uusan Baarlamaanku qaraar ku ansixin.
- Hanti Dhowraha Guud ayaa diiwaan gelinaya heshiisyada oo dhan.
Qodobka 36aad
Deymaha
- Wasiirka oo kaliya ayaa leh awoodda ka soo daynsiga gudaha iyo dibedaba isaga oo ku matalaya Dawladda Federaalka si waafaqsan shuruudaha iyo xaaladaha deyn qaadashada sida sharcigu dhigayo.
- Haddii Wasiirku uu soo deynsado lacag si uu ugu sii deymiyo lacagtaas maamul goboleedyada ama hay’ad Dawladeed, deyntaasi oo lagu xisaabi doono Dawladda Federaalka, deyntaa waa in Baarlamaanku ansixiyaa sida uu qabo qodobka 35aad.
- Looma ogola hay’ad Dawladeed oo aan ahayn Wasaaradda oo deyn qaadan karta ama xisaabta oo la caseeyo (overdraft) haka timaaddo deeqbixiye ama meelo kale.
- Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iskooda uma qaadan karaan deymo dibedeed, balse way qaadan karaan deymo gudaha ah, marka ay helaan ogalaanshaha Wasiirka inta aysan qaadan, si waafaqsan nidaamka ay Dawladdu ku maamusho maaliyadda gobalada ee xilligaa dhaqangalka ah.
- Deyn qaadashada aan waafaqsaneyn faqrooyinka 3aad ama 4aad ee qodobkaan waa waxba kama jiraan.
Qodobka 37
Dammaanadaha Xukuumadda
Wasiirka oo kaliya ayaa leh awoodda in uu bixiyo damaanad isaga oo ka wakiil ah Dawladda Federaalka inta uu u xadeeyey sharcigu uuna oggolaaday Baarlamaanku shuruudaheeda iyo xaaladaheeda ee damaanadaha.
- Wasiirka wuu soo saari karaa damaanad sida ku xusan faqradda 1aad isagoo wakiil ka ah Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Sharikadaha/ Wakaaldaha Dawladda.
- Marka laga reebo Wasiika, Hay’ad Dawladeed kale dammaanad ma bixin karto.
- Dawlad Goboleedyadu waxay soo saari karaan dammaanad dhexdooda ah si waafaqsan nidaamka Dawladu ku dhaqdo maaliyadda maamul goboleedyada ee dhaqan galka ah xilligaa.
- Waa wax kama jiraan damaanad kasta oo xad gudub ku ah faqrooyinka 2aad ama 3aad ee qodobkan.
- Damaanad waxa ay ka kooban tahay damaanad deyn iyo wax kasta oo ku talagal mas’uuliyad maaliyadeed leh sida uu qeexay Wasiirku, waafaqsanna halbeegga nidaam-xisaabeedka caalamiga ah.
- Diiwaanka dhammaan damaanadaha lagu bixiyay si waafaqsan faqradda (1aad) waa in uu hayaa Xisaabiyaha Guud, kuna jirtaa warbixinnada sannadlaha ee Sanduuqa Mideysan ee Qaranka, Hanti Dhowraha Guudna waa in uu diiwaan-geliyo heshiisyada damaanadaha.
- Marka damaanad-qaad la sameeyo sida ku xusan faqradda (1aad), ka faa’iideystahu waa in uu dib-ugu soo celiyaa Sanduuqa Mideysan ee Qaranka wadarta guud ee kharashyada Dawladda Federaalaku ay bixisay si ay u fuliso damaanad qaadkeeda iyo kharashyada ka dhashay damaanad qaadkaa, iyada oo la raacayo habka iyo jadwalka lagu kala bixinayo sida Wasiirku caddeeyey.
- Qaabka meel marinta, kormeerida iyo bixinta damaanadaha lagu soo saaray faqradaan waa in ay jiraan Xeer-nidaamiye lagu soo saaray si sharcigan waafaqsan.
Qodobka 38aad
Haykalka Maareynta Deeqaha iyo
Waajibaadka Hay’adaha aan Dawliga ahayn
- Dhammaan deeqaha ay Hay’ad Dawladeed ka hesho deeq bixiye ama cid kale waa in lagu daraa Miisaaniyadda Qaranka.
- Looma ogola hay’ad Dawladeed iyo mid Sharikad/Wakaalad Dawladdu leedahay toona in ay galaan heshiis ay ku helayaan deeq, taas oo ay ku jiraan deeqaha aan lacagta ahayn oo ka timid deeq bixiye ama shakhsiyaad gaar ah, iyada oo uu Wasiirku la saxiixin.
- Maamul Goboleedka hela deeq-hiba ah ay ka mid tahay deeq aan lacag ahayn oo adeeg ah kana heleen deeq bixiye waa in ay u soo gudbiyaan Wasiirka warbixin faahfaahsan oo deeqdaas ah usbuuc gudihi ka dib markii ay helaan deeqdaas.
- Hay’adaha aan Dawliga ahayn ee fuliya mashaariic mid horumarineed iyo mid bani-addamnimo ee laga maalgeliyo lacagta Dawladda, ayna ku jirto lacagta deeq-bixiyeyaasha, waxaa masu’liyadda lagula xisaabtmiyaa Sarkaalka Idman ee Hay’addaas, waxaanu kuu soo gudbinaya warbixinmaaliyadeed sannadlaha ee baarista maray. Xeer-nidaamiye ayaa qeexaya foomamka, asluubta, iyo shuuruudaha aasaasiga ah ee Hay’adaha aan Dawliga ahayn ee laga rabo.
- Dhammaan heshiisyada deeqaha Hay’adaha Dawladda, Maamul Goboleedyada iyo hay’adaha ganacsiga ee Dawladda waa in laga diiwan geliyaa Hantidhawraha Guud.
Qodobka 39aad
Amaahda Wakaaladaha iyo Mashaariicda Dawladda
- Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladdu leedahay ama mashruuc (State- owned enterprise) oo aan ahayn hay’ad maaliyadeed ma qaadan karto deyn gudaha iyo mid dibedaba ah toonna, loomana casayn karo xisaabteeda (overdraft) ama in ay adeeg hormaris ka hesho deeq-bixye ama cid kale ba iyada oo aan fasax hore ka haysan Wasiirka.
- Deynta ay gasho Wakaalad Dawladeed (State- owned enterprise) iyada oo lagu xad gudbayo qodobka ku xusan faqrada 1aad waa wax kama jiraan.
- Wakaalad Dawladeed oo aan ahayn hay’ad maaliyadeed ma bixin karto dammaanad ku saabsan deyn qandaraasle/heshiisle iyo cid kale, marka laga reebo go’aanka oggolanshaha Gudigga Wakaaladda iyo ogolaanshaha
Wasiirka oo qoraal ah.
Qodobka 40aad
Diiwaangalinta Hantida Maaliyadeed iyo Deymaha
- Dhammaan amaahda, deymaha kale ee maaliyadeed, hantida maaliyadeed iyo damaanadaha ee Khasnadda Mideysan Qaranka waa in lagu qabtaa Xafiiska Xisaabiyaha Guud lagu diiwangaliyaa Xafiiska Hanti-dhawrka Guud, laguna soo daraa Xisaab xirka sannadlaha ah ee khasnadda mideysan ee Qaranka.
QAYBTA 6AAD MAAMULKA LACAGTA CADDAANKA AH IYO HABEYNTA BANGIYADA
Qodobka 41aad
Maamulka Lacagta Caddaanka ah (Cash)
- Iyada oo aanay saameynayn awoodaha Xisaabiyaha Guud iyo Guddiga Maamulka Khasnadda Dawladda ee ku xusan qodobka 10aad ee sharcigaan. Wasiirku wuxuu soo saarayaa Xeer-nidaamiye qeexaya haykal wax ku ool ah ee nidaamka maareynta lacagta caddaanka ah ee Dawladda Federaalka.
- Xisaabiyaha Guud ayaa;
- b) Weydiin kara Hay’adaha Dawladda xog kasta oo uu u arko in ay muhiim u tahay habsami u socodka nidaamka maareynta lacagta caddaanka ah ee Dawladda; iyo
- t) In uu u helo xogta dhammaan xisaabaadka bangiyada uga furan Hay’adaha Dawladda si toos ahna ugu soo gudbiyaan.
- Wasiirku waa in uu Bangiga Dhexe ku wargaliyaa qorshihiisa ku saabsan deymaha muddada gaaban si loo daboolo baahi lacag yaraansho, xiriirna kala sameeyo Bangiga Dhexe isku dubbarridka maareynta lacagaha caddaanka ee sannadkaas.
Qodobka 42aad
Habeynta Bangiyada
- Wasiirku wuxuu aasaasayaa Xisaabta Khasnada Mideysan ee Guud (Consolidated Treasury Account) oo ay ku jiraan dhammaan xisaabaadka bangiyada uga furan Hay’adaha Dawladda.
- Wasiirku wuxu ku soo saaraya Xeer -nidaamiye qaab dhismeedka iyo hawl-galka Xisaabta Khasnada Mideysan ee Dawladda.
- Looma furi karo Xisaab bangi ha ahaato mid dalka gudihiisa ah ama dibeddiisa Hay’adaha Dawladda iyada oo aan oggolaansho qoraal ah ka haysan Xisaabiyaha Guud.
- Dhammaan dakhliga Dawladda waa in lagu soo xareeyo Xisaabta Khasnadda Mideysan (Consolidated Treasury Account) ee Bangiga Dhexe ugu badnaan hal maalin shaqo gudaheed, marka la soo uruuriyaba.
- Xisaabiyaha Guud wuxu codsan karaa in la xiro xisaab bangi ee Hay’ad Dawladeed furatay, ama lacagta ku jirta wuu ku wareejin karaa xisaab bangi kale oo ka mid ah Xisaabta Khasnada Mideysan isaga oo raacaya amarka Wasiirka.
QAYBTA 7AAD
XISAABAADKA IYO WARBIXINTA Qodobka 43 aad
Hal-beegga Nidaamka Xisaabeed iyo Qaab-dhismeedka Xisaabaadka
- Xisaabiyaha Guud ayaa go’aaminaya halbeegga (standard) nidaamka xisaabaadka Hay’adaha Dawladda, Dawlad-Goboleedyadda iyo Wakaaladaha iyo Sharikadaha Dawladda si waafaqsan halbeegga nidaamka xisaabaadka caalamiga ah ee lagu heshiiyey.
- Diiwaanada Xisaabaadka ee Hay’adaha Dawladda iyo Dawlad Goboleedyada waa in loo hayo lacag caddaan ahaan ama qiime u dhigma lacagta caddaanka ah oo waafaqa hab xisaabeedka aan lacagta caddaanka ahayn, waxaana lagu diiwaan gelin doonaa dakhliga iyo kharashka sida ay u qabtaan una bixiyaan lacagaha caddaaanka ah, iyaga oo u kala saaraya sida uu tilmaamayo Qaab-dhismeedka xisaabaadka ee uu dejiyey Xisaabiyaha Guud.
- Iyada oo aan laga hor-imanayn faqradda (2aad), Hay’adaha Dawladda ama Dawlad-Goboleedyadu waa in ay hayaan dhammaan diiwaanada hantida (assets) iyo deymaha (liabilities) maaliyadeed si waafaqsan tilmaamaha Xisabiyaha Guud bixiyo.
- Xisaabiyaha Guud waa in uu soo saaro tilmaamayaal (instructions) xisaabeed ay ku cad yihiin asluubta iyo shuruudaha diiwaan gelinta, nidaamxisaabaadka iyo warbixinada iibsiga maaliyadeed ee Hay’adaha Dawladda, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Wakaaladaha iyo Sharikadaha Dawladda.
- Xisaabiyaha Guud ayaa xaddidaya Qaab-dhismeedka Xisaabaadka Hay’adaha Dawladda iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si waafaqsan Xeer-nidaamiyaha Wasiirku soo saaray. Sarkaal kasta oo Idman ee Hay’ad Dawladdeed waa in uu hubiyaa foojarrada, caddaymahooda, iyo macluumaadka Maaliyadeed ee kale iyada oo la raacayo habka iyo muddada ay jidaynayaan xeer-nidaamiyeyaasha iyo tilmaamayaasha xisaabaadka.
Qodobka 44aad
Warbixinada Sannadka Gudihiisa
- Sarkaal Idman kasta ee Hay’adaha Dawladda waa in uu warbixin bille ah oo ku saabsan dakhliga iyo kharashka u soo gudbiyaa Xisaabiyaha Guud muddo toddoba maalmo-shaqo gudahood, marka bishu dhammaato iyadoo la raacayo qaabka uu caddeeyey Xisaabiyaha Guud.
- Sarkaal Idman kasta ee Hay’adaha Dawladda waa in uu warbixin saddex biloodle ah u soo gudbiyo Xisaabiyaha Guud, xisaabaadka Hay’adaha Dawladda oo ay ka mid yihiin warbixin xisaabeedka dhaqdhaqaaq lacagta caddaanka ah, kashfiga xisaabta dakhliga iyo kharashka ee Sanduuqa Mideysan ee Qaranka, iyo bayaan maaliyadeedka (Balance Sheet) oo ay ku lifaaqan tahay kuna caddahay raasumaalka iyo daymaha lagu leeyahay dhammaadka muddada seddex biloodlaha ah, iyo wixii tafaasiil kale ee uu amro in lagu dhaqmo Xisaabiyaha Guud.
- Afar usbuuc gudohooda, ka dib dhamaadka bil kasta, waa in Xisaabiyaha
Guud uu diyaariyo, faafiyaana warbixin ay ku jirto;
- b) Dakhliga iyo Kharashka miisaaniyadda Qaranka oo faah faahsan una habeysan qaab qoondo iyo shaxda oo kooban.
- t) Balanqaadyada taagan ee miisaaniyadda qaranka oo la bar bar dhigay qoondooyinka iyo sida loo kala qeybiyey.
- j) Liiska deymaha (gudaha iyo dibedda) kuwa cusub iyo kuwii hore u jiray ee Dawladda lagu leeyahay iyo damaanadaha ay qaadday Dawladda Federaalka.
- x) Daymaha dib-uga-dhacay wakhtigii bixintooda ee miisaaniyadda qaranka ku jirta.
Qodobka 45aad
Bayaanka Maaliyadeed ee Sannadle (Annual Financial Statement) iyo Baaritaanka Dibedda (External Audit)
- Xisaabiyaha Guud waa in uu diyaariyo warbixin Maaliyadeedka Sanadeed ee aan baaris marin ee Sanduuqa Mideysan ee Qaranka una gudbiyo Hanti Dhowraha Guud muddo aan afar bilood ka badnayn ka dib dhammaadka sannad maaliyadeedkaas.
- Hay’adaha Dawladda iyo Dawlad-Goboleedyadu waa in ay diyaariyaan warbixin Maaliyadeed Sanadeedka una gudbiyaan Xisaabiyaha Guud iyo Wasiirka iyada oo la raacayo qaabka iyo xilliga uu Xisaabiyaha Guud u xaddidey in lagu soo gudbiyo.
- Hanti Dhowraha Guud waa in uu baaris ku sameeyo warbixin Maaliyadeed Sanadeedka ee Sanduuqa Mideysan ee Qaranka una gudbiyaa Labada Aqal ee BFS Warbixinta Baarista oo ay ku lifaaqan yihiin warbixin Maaliyadeed, waana in aanay laba bilood dib uga dhicin marka laga soo bilaabo markii uu helay warbixin-Maaliyadeed aan baaris soo marin.
- Hanti Dhowraha Guud waa in uu ku faafiyo warbixinta baadhista faafinta rasmiga ah si caam ahna loogu bandhigo Dadweynaha hal bil ka dib marka uu Warbixintiisa u gudbiyo Labada Aqal ee BFS sida ku cad Sharciga Hanti Dhowrka Guud qod. 13aad farqadda 1aad iyo 2
- Marka uu Hanti Dhowraha Guud u gudbiyo warbixintiisa Labada Aqal ee BFS sida ku xusan qod. 45aad faqradiisa 4aad ee sharcigaan, waa in uu Xisaabiyaha Guud isna faafiyo warbixinta baadhista Bayaan-Maaliyadeed Sanadlaha ah ee Sanduuqa Mideysan ee Qaranka.
- Xisaabiyeyaasha Guud ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladaha Federaalka waxay qabanayaan waajibaadka iyo xilalka ay u xilsaareen Shuruucda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladaha Federaalka waxayna iskaashi la yeelanayaan Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.
Qodobka 46aad
Ilaalinta Gudaha (Internal Control) iyo Baarista (Audit)
- Sarkaakiisha idman ee lagu qeexay sharcigan ayaa ugu dambeyntii mas’uul ka ah dhammaan howlaha maaliyadda iyo macaamilka ka dhacaya gudaha hay’adahooda, oo ay ka mid yihiin wixii waaxyo ah ee ay kormeerayaan ama ay masuul ka yihiin. Sarkaalka Idman ee hay’adda waxa kaalmaynaya Baaraha Gudaha (Internal Auditor) oo si toos ah ugu soo gudbinayo warbixinada hawlaha uu qabanayo oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn:
- b) Marka muddo la joogaba in uu dib-u- eegis ku sameeyo nidaamka hay’addu u shaqayso gaar ahaan maamulka maaliyadda ee hay’adda iyo waaxyaheeda.
- t) Waa in uu qiimeeyaa ilaalinta iyo joogteynta dhammaan habraaca maareynta maaliyadda, asluubta iyo habka la raacayo (procedures & processes) ee ku xusan sharcigaan, xeer-nidaamiyeyaasha kaaba iyo tilmaamayaasha (instructions) Wasiirka.
- j) Qiimeeyo sida ugu habboon ee loo maamulo hubinta, isku dheelitirka (Checks and Balances), xakamaynta iyo sida loo maareeyo nidaamka Maaliyadda ee hay’adda iyo waaxyaheeda;
- x) Kula taliyo Sarkaalka idman tallaaboyinka wax lagu saxayo meelaha looga baahdo iyo in uu ku wargeliyo Wasiirka sida ay wax u jiraan.
- Mas’uuliyadda, qaabdhismeedka, awoodaha iyo warbixinnada ay diyaariso baarista gudaha waxaa lagu qeexayaa xeer-nidaamiye waafaqsan Sharcigan,talooyinka iyo jiheynta uu soo saaray Wasiirku markii uu helo talo bixinta Hanti Dhowraha Guud.
QAYBTA 8AAD
NIDAAMKA KHAASKA AH EE WAKAALADAHA / SHARIKADAHA DAWLADDA Qodobka 47aad Xeer-nidaamiyaha Korjoogteynta Maaliyadda
- Xeer-nidaamiye ayaa caddeynaya xakamaynta, xadka, shuruudaha muhiimka u ah kor-joogtaynta maaliyadeed ee uu ku leeyahay Wasiirku Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda oo ay ku jiraan siyaasadda saamiqeybsiga iyo waajibka ka saaran gaarsiinta adeegga guud ee bulshada.
- Wasiirka ayaa ka dalban kara Wakaaldaha/Sharikadaha Dawladda in ay u soo gudbiyaan macluumaad kasta oo uu ugu baahan yahay korjoogtaynta maamulkooda maaliyadeed wakhtiga iyo qaabka uu qeexayo Xeernidaamiye waafaqsan sharcigaan.
Qodobka 48aad
Qorshooyinka Maaliyadeed ee Wakaaldaha / Shirkadaha Dawladda
- Sarkaal Idman kasta ee Wakaaldaha/Shirkadaha Dawladda waxa uu u soo gudbin doonaa Wasiirka qorshe maaliyadeed iyo miisaaniyad si loo helo oggolaanshihiisa, qaabka iyo taariikhdaba waxa lagu cayimi doonaa xeernidaamiyaha Wasiirka.
Qodobka 49aad
Warbixinta Sannadka Gudihiisa iyo Bayaan-Maaliyadeedka ee Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda
- Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda waa in ay laba asbuuc gudahood ka dib dhammaadka saddex bilood kasta u soo gudbiyaan bayaanmaaliyadeedkooda ee saddex billoodlaha ah Xisaabiyaha Guud iyada oo la raacayo qaabka uu tilmaamay Xisaabiyaha Guud. Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda waa in ay sida oo kale nuqulka warxbintooda saddex-biloodlaha ah ee warbixin maaliyadeedkooda u gudbiyaan Hanti Dhowraha Guud.
- Xisaabiyaha Guud waa in uu ku faafiyo warbixin-maaliyadeedka saddex biloodlaha ah ee Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda barta (website) Wasaaradda labo usbuuc gudahood ka dib marka loo soo gudbiyo. Wixii warbixin maaliyadeed dheeraad ah ee lagu waajibinayo Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda waxa lagu soo saarayaa xeer-nidaamiye waafaqsan sharcigan.
- Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda waa in ay diyaariyaan una gudbiyaan Xisaabiyaha Guud warbixin-maaliyadeedka sannadlaha ee baarista maray shan bilood gudahood, ka dib dhammaadka sannad maaliyadeedka iyada oo la raacayo habka iyo qaabka uu tilmaamay Xisaabiyaha Guud. Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda si la mid ah waa in ay nuqulka warbixin-maaliyadeedka sannadlaha ah u gudbiyaan Hanti Dhowraha Guud.
- Xisaabiyaha Guud waa in uu ku faafiyo barta Wasaaradda warbixinmaaliyadeedka sannadlaha ah ee Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda labo usbuuc gudahood ka dib marka la soo gudbiyo.
- Wasiirku waa in uu hor keeno labada aqal ee BFS warbixin guud oo ku saabsan wax qabadka Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda kuna faafiyo barta Wasaaradda lix bilood gudahood marka uu dhamaado sannad maaliyadeedku.
QAYBTA 9AAD
HANTIDA DANTA GUUD Qodobka 50aad Qeexidda Danta Guud
- Danta Guud
- Ma jiro qof (shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuun leh) ku yeelan kara hantida danta guud ee Qaranka qoraal iyo xeer. Sidaa oo kale, ma jiro qof bixin kara, iibin kara, hibeyn kara, rahmi kara ama u isticmaali kara hantida Qaranka wax ka baxsan danta guud waxaana qeexi doona sida Hantida Danta Guud lagu yeelan karo ama lagu bixin karo xeer gaar ah.
- t) Cidna (shakhsi iyo cid shakhsiyad qaanuun leh) xaq uma laha in ay si gaar ah u yeelato Hantida Danta Guud. Hantida Danta Guud ee ku xusan Qodobka 51, waa ka mamnuuc ah in la iibiyo ama si gaar ah loo yeesho;
- j) Wasiirku waa inuu joogteeyo sidoo kalena cusbooneysiiyo diiwaanka hantida maguurtadda ah ee Qaranka.
- Hantida Danta Guud
- Dawladdu, iyada oo ka wakiil ah Shacabka, waxay awooddeeda ku lahaaneysaa kuna maamuleysaa hantida soo socota:
- Xeebaha badaha, dekedaha, gacan-biyoodyada yaryar, marsada, kaabiga, kannaalka badda, biyaha qooriga oo ku furan badda;
- Harooyinka dabiiciga ah, Wabiyada iyo dooxyada oo ay ku jiraan kuwa dhulka hoostiisa mara;
- Dawladdu, iyada oo ka wakiil ah Shacabka, waxay awooddeeda ku lahaaneysaa kuna maamuleysaa hantida soo socota:
- Kheyraadka Macdanta Xerooyinka Ciidamada iyo kaydka hubka
- Qalcadaha, dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ciidamada iyo goobaha loo dhisay difaaca Qaranka; iyo
- Hantida ma guurtada iyo shay kasta oo Dawladda Federaalku u aqoonsato in uu yahay shay taariikhi ah, ama raad taariikheed ah (aasaar), ama farshaxanka qadiimiga ah ee Qaranka qiimo u leh.
- t) Hantida hoos ku xusan waxa iska leh Dawladda, hadii aan cid kale
(shakhsi ama shakhsiyad qaanuuni ah) u haysan mulkiyad sharci ah;
- Kiliyada iyo goobaha gacan-ku-sameyska ah ee biyaha;
- Ilaha biyaha dabiiciga ah, ceelasha, meelaha wax lagu war-
raabiyo, togagga iyo tubooyinka biyaha tuura;
- Wadooyinka, Dariiqyada, fagaareyaasha bulshada, laamiyada waa weyn ee xawaaraha lagu maro, gegida-diyaaradaha madaniga ah, isgaarsiinta iyo rakibaadda aaladaha bilaa-xarkaha ah, telefoonka iyo rakibaadda radio teleefoonada, dariqyada iyo Waddooyinka lagu safro ee caamka ah, meelaha safarka iyo xooluhuba joogsadaan, qabuuraha iyo Suuqyada; iyo.
- Hantida maguurtada ah, shayga Taariikhiga ah, ama Aasaar ah, ama qiimo Farshaxan leh marka laga reebo kuwa ku xusan farqada 2aad xarafka (vi).
Qodobka 51aad
Hanti Kale ee Dawladda
Hantida soo socota, waxaa iyana iska leh Dawladda; 1. Hanti ma guurto ah oo cid lihi jirin.
- Dhismayaasha Dawladda iyo hantida dhextaala ee ay leedahay una isticmaasho fulinta adeegyada, iyo
- Hanti kasta ama lahaanshaheeda ay Dawladdu ku yeelatay sida sharcigu qabo, dhaxashay ama la wareegtay, hadiyo ahaan loo siiyey, iib ama wareejin.
QAYBTA 10aad Xayiraadaha
Qodobka 52aad
Masuuliyad-Maaliyadeedka Shakhsiga ah ee Sarkaalka Idman
- Sarkaalka idman ee mas’uulka ka ah Hay’ad Dawladeed waa qofka mas’uuliyada ugu dambeysa leh, haddii uu kharash dheeraad ahi ka baxo ama lacag ay si qaldan oo sharci daro ah uga baxdo Hay’adda Dawladda.
- Sarkaalka idman ayaa loo raacanayaa dib u soo celinta lacagihii si qaldan ama sharci darro ah ku baxday, ilaa iyo inta ay Dawladdu ka helayso qiimo u dhigma lacagtii ka baxday.
- Haddii Wasiir Dawladda Federaalka ka tirsan ama madaxa Hay’adda Dawladdu ay ku amraan Sarkaalka Idman in uu kharsh ku bixiyo si ka duwan sharcigan ama ka soo hor jeedda xeernidaamyeyaasha sharcigan, Sarkaalka Idman waa in uu u soo gudbiyaa Wasiirka Federalka ah ama madaxa Hay’adda qoraal uu ku sheegayo aragtidiisa ah in amarkaasi keeni karo lacag bixin sharci daro ah, inta aanu fulin amarka.
- Haddii qoraalkaa uu aragtidiisa ku sheegayo sida ku xusan farqada 3aad ee qodobkaan u gudbiyo Wasiirka Federaalka ah ama madaxa Hay’adda Dawladda, balse aysan ka laaban amarkii ay bixiyeen, Sarkaalka Idmani waa in uu nuqul qoraalkiisa ku sheegay aragtidiisa ku aaddan amarkan u gudbiyaa Wasiirka iyo Hanti Dhowraha Guud, mas’uuliyadii shaqsi ee la xisaabtanka haddii ay dhacdo lacag bixin sharci daro, waxay si shakhsi ah ugu wareegeysaa Wasiirka Federaalka ah ama Madaxa Hay’adda Dawladda.
Qodobka 53aad
Xayiraadda Hay’adaha
- Wasiiirku waa in uu qaato ugu yaraan mid ka mid ah tallaabooyinkan ku xusan faqradda 2aad ee qodobkaan, haddii hay’ad dawladeed ay;
- Sameyso balan qaadyo ama oggolaato bixinta kharash ka badan inta qoondada Miisaaniyadda ugu jirta.
- t) Oggolaato in si qaldan lacag loola baxo.
- j) Ku xad gudubto sharcigan Qod.27aad farqooyinka 4aad, 6aad, qod.30aad farqooyinka 3aad, 4aad, 6aad, Qod.31aad farqooyinka 1, 3, iyo 4aad, Qod.36aad farqada 4aad, Qod 37aad Farqaddiisa 3aad, Qod.38aad farqooyinka 1aad & 2aad, Qod.42aad farqooyinka 2aad, 3aad ama Qod.44aad farqada 1aad.
- Talaabooyinka la qaadayo si looga hortago qaladaadka ku xusan farqada
1aad waxaa ka mid ah;
- Waxaa laga rabaa Sarkaalka Idman in uu Qorshe-hawleed u gudbiyo
Wasiirka si uu oggolaansha u helo;
- t) In la iclaamiyo lana faafiyo qaladka jira iyo in la keeno qorshe-hawleed lagu saxayo;
- j) Qabashada kulan dadweynuhu ka dhageysanayaan Wasiirka Federaalka ama madaxa ama Sarkaalka Idman ee Hay’addaa arrinta qaladaadka ku kacday;
- In laga xannibo qoondaddii ay hay’adaas dowladeed ku lahayd miisaaniyadda inta la saxayo qaladkaas;
- kh) In lagu qasbo balan qaad iyo bixinta qeyb ama dhammaan kharashyadii la bixiyey ka hor oggolaanshaha Wasiirka.
Qodobka 54aad
Soo-celinta Lacagta kharash bixin qalad ku Baxday
- Sarkaal kasta oo idman ee hay’ad dawladeed waxa laga rabaa in uu diiwaan geliyey oo hayo lacagta habka qaldan ku baxday sida ay qabaan Xeernidaamiyeyaashu.
- Sarkaalka idman ee hay’ad kasta ee dawladda waa in uu qaado talaabooyinka ku haboon ee dib loogu soo celinayo dhammaan lacagihii ay lahayd Dawladdu oo qandaraasluhu si qaldan u qaatay isaga oo aan gudan ama aan dhammaystirin waajibkiisii shaqo iyo hawshii lagula heshiiyey ama si qaldan ku qaatay lacag dheeraad ah.
- Haddii qofku yahay mid aan bixin deyn lagu leeyahay ama cashuur oo Dawladdu ku leedahay:
- b) Qofkaas waa laga joojinayaa in wax laga iibiyo mudo aan saddex sano ka badnayn si waafaqsan sharciga Iibka ee Dawladda ee 2016.
- t) Sarkaalka Idman wuxuu samayn karaa in uu deymaha taagan ku wargeliyo Xafiisyada soo-celinta qaamaha u qaabilsan Dawladda, wuxuu sidaas oo kale ku dallici karaa khidmadda adeegga iyo ganaaxyada dul fuulay deynta, iyo in uu heshiis la galo kuwa qaamaha deyn ku bixiya ee gaarka loo leeyhay; iyo;
- j) Hay’adda Dawladda arrinku khuseeyo waxa ay laali kartaa ama kala noqon kartaa shatigii iyo fasaxii shaqo si waafaqsan sharcigan.
Qodobka 55aad
Dembiyada iyo Ciqaabaadka
- Ku xad gudubka Sharciggan ama xeeer-nidaamayaasha ka farcamaya ama la xiriira, waxaa lagu muteysanayaa ciqaab waafaqsan sharciga Maamulka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Qodobka 56aad
Cadeymaha Diwaangelinta Elektroniga
- Iyada oo dib loo sixi karo, ogolaanshaha macluumaad kasta ee ku saabsan Maareynta Maaliyadda elektroniga ah ee lagu macaamilo oo laga dhex helo Nidaamka Maaraynta Maaliyadeed ee Dawladda, haddiiba loo soo bandhigo habka dukumentiyada, ama kombiyuutar lagu daabaco, ama la keeno nuqul warqad ku daabacan, lagu sawiray film-yaraha (micro-film), ama lagu kaydiyey floppy ama hard disc, ama la adeegsado qaab kasta oo kale ee warbaahinta elktrooniga ah, macluumaadkaas oo dhan waa in caddaymaha laga aqbali karaa maxkamad kasta horteeda ee macaamilka maaliyadda ay u aragto in ay la xiriirto.
- Sawirro muuqaal leh sida filim,filim-yare(microfilm), microfiche ama muuqaalada kombiyuutarka ee dukumenti ama waraaqo asal ah sida jeegag, xawilaadda lacagta elktroonig ah, ama aalad kasta oo lacag lagu bixin karo ama diiwanka xisaabaha, waxaa loo aqbalayaa sidii caddaynta asalka (prima facie) ee loo dalliishan karo lana xirriirta arrin ama macaamilka maaraynta maaliyadda, sidii oo ay tahay caddayn sugan oo markhaati la dhaariyey leh (affidavit)..
- Tilmaamaha kharash-bixinta, fariimaha iyo wareejinnada lacagaha la bixyey ee nidaamka la mariyey, lana fuliyey iyada oo la adeegsanayo qalabka elektroniga ah oo ay ka mid yihiin saxiixyada habka elektroonigii waxaa loo aqbalayaa sidii caddaynta asalka (prima facie) ee loo dalliishan karo lana xirriirta arrin ama macaamilka maaraynta maaliyadda ama xisaab u diiwaangashan, sidii oo ay tahay caddayn sugan oo markhaati la dhaariyey leh (affidavit).
- In lagu qoro diiwaanka Xisaabaadka, buugga lacagta iyo buugaagta kale ee xisaabaadka ee miisaaniyadda hay’ad kasta ama gacan ha lagu qoro ama kumbiyuutar ahaan ha loo geliyo waxa loo aqbalayaa;
- b) Sidii caddaynta asalka ah (prima facie) ee loo dalliishan karo lana xirriirta arrin ama macaamilka maaraynta maaliyadda,
- t) Sidii oo ay tahay in uu bixiyey caddayn sugan oo markhaati la dhaariyey leh (affidavit) oo Sarkaalka Idman ama saraakiisha kale ee miisaaniyadda
Hay’adda leh, ama
- j) Sidii la caddayn karo in diiwaanada gacanta ama kombiyuutarak lagu qory, buugga lacagta iyo buugaagta kale ee Xisaabadka in ay yihiin ama ahaayeen buugaagtii xisaabaadka ee asalka ah ee missaniyadda ama xisaabaadka Hay’addas;
- x) Sidaa oo kale in qoraalkooda loo geliyey diiwaannada sidii caadiga ahayd ee waafaqsan hawl maalmeedkooda, iyo in ay buugaagtu yihiin ama si toos ah uga imanaya cidda masuulka ka ah miisaaniyadda iyo xisaabaadka Hay’addaas.
QAYBTA 11 AAD
MAAMULKA DAKHLIGA KHEYRAADKA DABIICIGA Qodobka 57aad Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga
- Dakhliga kheyraadka dabiiciga ah waa in ay ku jiraan dhammaan dakhliga Dawladda ee ka soo baxa bixinta shatiyada, Canshuuraha ama ka faaideysi kasta oo kale sida Kaluumeysiga, Macdanta iyo dakliga Shidaalka.
Qodobka 58aad
Uruurinta iyo Dhigista Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ah
- Dhammaan dakhliga ka soo xarooda kheyraadka dabiiciga ah ee Dawladdu soo uruurisay waxaa lagu shubayaa Sanduuqa Mideysan ee Qaranka ee Xisaabtu uga furan tahay Bangiga Dhexe.
- Xisaab u gaar ah ayaa loo furayaa oo hoos tagaysa khasnada mideysan oo loogu tala galay in lagu shubo dakhliga khayraadka dabiiciga ah ee ka yimaadda noocyadooda kala duwan ee khayraadka dabiiciga ah.
Qodobka 59aad
Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga
- Wadaaga dakhliga Kheyraadka dabiiciga ee Qod.61aad farqadiisa 1aad waa in uu waafaqsan yahay heshiiska dakhli qeybsiga Dawladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ka dib marka la sameeyo Dhigaalka Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ee uu farayo sharcigan.
- Dhammaan hoos u dhaca dakhliga kheyraadka dabiiciga ee ku yimaadda xisaab hoosaadka (sub-account) waa in loo sameeyo nidaam la waafajiyey ku tala galka heshiiska qeybsiga dakhliga kheyraadka dabiiciga oo ay yagleeleen Dawladda iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ka dib marka la sameeyo Dhigaalka uu qabo sharcigan.
- Nooc kasta ee qorshe hoos u dhac ee ku yimaada dakhliga kheyraadka dabiiciga xisaabteeda hoose ee sannad Maaliyadeedka sida uu qorayo heshiiska qeybsiga dakhliga ee Dawladda iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, oo ay ku jiraan kharashyada Dawladdu ay gashay iyo xawilaadaha loo diray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waa in ay ku cadahay qoondada Miisaaniyadda Qaranka ee labada gole ee BFS ay oggolaadeen.
- Iyada oo la raacayo heshiiskii qeybsiga dakhliga kheyraadka dabiiciga ee u dhexeeya Dawladda iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Wasiirku waa in uu diyaariyo Heshiisyo Is-afgarad (memorandums of understanding) oo uu la gelayo Wasiir kasta oo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ka tirsan kuna cad yihiin shuruudaha xawilaadda dakhliga kheyraadka dabiiciga.
- Heshiisyada Is-afgarad ee ku xusan faqradda 4aad ee isla qodobkan, waa in ay ku caddahay wakhtiga xawilaadda, habka xawilaada iyo warbixin kasta ee la xiriirta sida loo qabtay dakhliga iyo isticmaalka xawilaada ee Maamul goboleedyada.
Qodobka 60aad
Warbixinada Xisaabta Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga
- Xisaabiyaha Guud waa;
- b) In uu keydiyaa buuggaagta xisaabta iyo diiwaanada xisaab-hoosaayda dakhliga khayraadka dabiiciga iyo;
- t) in uu u gudbiyo Wasiirka iyo Hanti Dhowraha Guud warbixinada maaliyadeed ee seddex biloodlaha iyo sannadlaha ah.
- Wasiirkuna waa in uu diyaariyo una gudbiyaa labada gole ee BFS warbixinta sannadka dhammaan kororka iyo hoos u dhaca soo food saaray xisaab hoosaadka dakhliga kheyraadka dabiiciga ee sannad maaliyadeedkaas iyo wixii iska bedella saddex biloodka.
- Wasiirku waa in uu siiyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka warbixin faah faahsan oo ku saabsan dakhliga la qabtay, kharashka la bixiyey iyo wixii harsan oo ku dheeli tiran xisaab hoosaadka dakhliga kheyraadka dabiiciga ee ku jira Khasnadda Guud (Consolidated treasary account) oo ay ka mid yihiin haraa kasta ee qoondada dhigaalka dakhliga kheyraadka dabiiciga iyo maalgelintooda.
Qodobka 61aad
Keydinta Dakhliga Kheyraadka Dhabiiciga
- Wasiirku waa in uu soo saaro awaamir maaliyadeed oo waafaqsan Xeernidaamiyeyaasha sharcigan hoos yimaadda oo qeexaya qeybsiga dakhliga kheyraadka dabiiciga ee sannad Maaliyadeed kasta lana caddeeyo qoondada dhigaalka ay tahay in la keydiyo.
- Awaamiirta Maaliyadeed ee kor ku xusan waa in ay ka wada heshiiyaan Dawladda iyo Dawlad Goboleedyadu.
- Keydinta kor ku xusan waa in maalgelin lagu sameeyo si waafaqsan siyaasadda maalgelinta ee dakhliga kheyraadka dabiiciga ee uu soo saaray Wasiirku marka uu la tashado Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Guddiga la talinta Maalgashiga.
- Siyaasada maalgashiga shuruudaha looga baahan yahay sida ku xusan farqaddan waxa loo fiirinayaa in aysan halis gelineyn degenaashaha dhaqaalaha guud ee dalka (jeopardize the macroeconomic stability of Somalia).
- Siyaasad kasta ee maalgshiga dakhliga kheyraadka dabiiciga ee la keydiyey ee lagu maalgeliyey hanti leh faa’ido dalka gudahiisa ama dibeddiisa waa in loo sameeyo hab waafaqsan sharcigan lagalana heshiiyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
- Dhammaan qorshaha maalgashiga baaxadda leh ee kaabayaasha lagana maalgelinayo keydka dakhliga kheyraadka dabiiciga waa in ay wada ogolaadaan Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyadu laguna qoondeeyey Miisaanyadda Qaranka ay labada Aqal ee BFS ogolaadeen.
QAYBTA 12AAD
GEBEGABADA IYO KU-DHAQANKA KU-MEELGAARKA AH Qodobka 62aad Xeerarka Dhaqangelinta Sharcigan
- Wasiirku wuxuu soo saarayaa xeer-nidamiyeyaasha ugu haboon ee uu ku dhaqan gelinayo sharcigan isagoo hor geynaya Golaha Wasiirada si ay u ansixiyaan.
- Xeer-nidaamiyeyaasha lagu soo saaro qodobkan farqadiisa1aad, waa in ay waafaqsanaadaan Sharcigan.
Qodobka 63aad
Dhaqan-Galka
- Sharcigani wuxuu dhaqan galayaa si aan hakad lahayn ka dib taariikhda lagu faafiyo faafinta Rasmiga ah.
- Inta laga meel marinayo Sharcigan, Xeerarka Lam.2 ee 29 Diseember 1961 iyo Xeerka Lam.317 ee 17 Diseember 1962 ayaa sii shaqeyn doona.
Qodobka 64aad
Baabi’in
- Sharcigan wuxuu baabi’inayaa sharci kasta, xeer iyo nidaamkii aan la socon karin.
Tusmo
QAYBTA 1AAD …………………………………………………………………………………………… 1
QODOBADDA GUUD ……………………………………………………………………………….. 1
Qodobka 1aad …………………………………………………………………………………………… 1
Magaca, Ujeeddada iyo Baaxadda ……………………………………………………………………. 1
Qodobka 2aad …………………………………………………………………………………………… 1
Mabaadi’da Guud ee Maaliyadda …………………………………………………………………….. 1
Qodobka 3aad …………………………………………………………………………………………… 2
Qeexid/Erey bixin ……………………………………………………………………………………………… 2
Qodobka 4aad …………………………………………………………………………………………… 4
Sanduuqa Mideysan ee Qaranka ……………………………………………………………………… 4 iyo Dakhliga Dawladda Federaalka ………………………………………………………………….. 4
Qodobka 5aad …………………………………………………………………………………………… 5
Canshuur Dhaaf ………………………………………………………………………………………………… 5
Qodobka 6aad …………………………………………………………………………………………… 6
Mabda’a Hagaya Wada shaqeynta Dawladda iyo Dowladaha Xubnaha ka ah
Dowladda Federaalka ……………………………………………………………………………………….. 6
QAYBTA 2AAD …………………………………………………………………………………………… 6
AWOODAHA IYO MAS’UULIYADDA MIISAANIYADDA IYO MAAREYNTA
MAALIYADDA DAWLADDA …………………………………………………………………….. 6
Qodobka 7aad …………………………………………………………………………………………… 6
Awoodaha iyo Mas’uuliyadaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ……. 6
Qodobka 8aad …………………………………………………………………………………………… 7
Awoodaha iyo Masuuliyadda Wasiirka …………………………………………………………….. 7
Qodobka 9aad …………………………………………………………………………………………… 8
Awoodda iyo Mas’uuliyadda Soo Saaridda Xeerhoosaadyada, Tilmaamo iyo
Hagayaal ……………………………………………………………………………………………………………. 8
Qodobka 10aad …………………………………………………………………………………………. 9
Xisaabiyaha Guud ……………………………………………………………………………………………… 9
Qodobka 11aad ……………………………………………………………………………………….. 10
Hanti Dhowraha Guud ……………………………………………………………………………………. 10
Qodobka 12aad ……………………………………………………………………………………….. 10
Saraakiisha Idman ee Wakaaladaha/Shirkadaha ……………………………………………. 10 ee Dawladda ……………………………………………………………………………………………………. 10 QEYBTA 3aad …………………………………………………………………………………………… 12
DIYAARINTA IYO ANSIXINTA MIISAANIYADDA ………………………………….. 12
Qodobka 13aad ……………………………………………………………………………………….. 12
Qorshaha Siyaasadda Miisaaniyadda ……………………………………………………………… 12
Qodobka 14aad ……………………………………………………………………………………….. 12
Qaab-Dhismeedka Miisaaniyadda…………………………………………………………………… 12
Qodobka 15aad ……………………………………………………………………………………….. 13
Aasaaska Guud iyo Guud-marka Miisaaniyadda ……………………………………………. 13
Qodobka 16aad ……………………………………………………………………………………….. 13
Dakhliga Dheeriga ah ……………………………………………………………………………………… 13
Qodobka 17aad ……………………………………………………………………………………….. 13
Diyaarinta Miisaaniyada Sannadlaha ………………………………………………………………. 13
Qodobka 18aad ……………………………………………………………………………………….. 14
Dukumiintiyada iyo Tusmoyinka Soojeedinta Miisaaniyadda ……………………….. 14
Qodobka 19aad ……………………………………………………………………………………….. 15
Qoondeynta Lama Filaanka …………………………………………………………………………….. 15
Qodobka 20aad ……………………………………………………………………………………….. 16
La socodka dadweynaha ee Miisaaniyadda ……………………………………………………. 16
Qodobka 21aad ……………………………………………………………………………………….. 16
Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka …………………………………………………………………… 16
Qodobka 22aad ……………………………………………………………………………………….. 16
Isticmaaka miisaniyadda ku-meelgaarka ah …………………………………………………… 16
(Vote on Account) …………………………………………………………………………………………… 16
Qodobka 23aad ……………………………………………………………………………………….. 17
Kabidda dheeriga ah iyo ku Noqoshada Miisaaniyadda ee Saannadka
Dhexdiisa …………………………………………………………………………………………………………. 17
Qodobka 24aad ……………………………………………………………………………………….. 18
Kharash Dheeri ah …………………………………………………………………………………………… 18
Qodobka 25aad ……………………………………………………………………………………….. 18
Caddeynta Miisaniyadda iyo Dhaqangelinta Hindisa Sharciyeedka ………………. 18
QAYBTA 4AAD …………………………………………………………………………………………. 19
DHAQAN GELINTA MIISAANIYADDA …………………………………………………… 19
Qodobka 26aad ……………………………………………………………………………………….. 19
Wakaalasho Awood Shaqo ……………………………………………………………………………… 19
Qodobka 27aad ……………………………………………………………………………………….. 19
Xeerarka Guud ee la Xiriira Fulinta Miisaaniyadda ………………………………………… 19
Qodobka 28aad ……………………………………………………………………………………….. 20
Qorshaha Kharash Bixinta ………………………………………………………………………………. 20
Qodobka 29aad ……………………………………………………………………………………….. 20
Heshiisyada iyo Qandaraasyada Soo Iibsiga ………………………………………………….. 20
Qodobka 30aad ……………………………………………………………………………………….. 21
Hubinta Balan Qaadyada ………………………………………………………………………………… 21
Qodobka 31aad ……………………………………………………………………………………….. 21
Bixinta Kharashka Agabka iyo Adeegyada …………………………………………………….. 21
Qodobka 32aad ……………………………………………………………………………………….. 22
Oggolaansho Kharash Bixin ……………………………………………………………………………. 22
Qodobka 33aad ……………………………………………………………………………………….. 23
Kala wareejinta Qondooyinka Miisaaniyadda Qaranka ………………………………….. 23
Qodobka 34aad ……………………………………………………………………………………….. 23
Dhicitaanka Qoondooyinka Dabayaaqada ……………………………………………………… 23
Sannad-maaliyadeedka …………………………………………………………………………………… 23
QAYBTA 5AAD …………………………………………………………………………………………. 24 DEYMAHA, DAMMAANAD-QAADKA DOWLADDA IYO MAAMULKA
DEEQAHA ………………………………………………………………………………………………. 24
Qodobka 35aad ……………………………………………………………………………………….. 24
Oggolaanshaha Labada Aqal ee BFS ………………………………………………………………. 24
Deymaha iyo Dammaanadaha ………………………………………………………………………… 24
Qodobka 36aad ……………………………………………………………………………………….. 24
Deymaha …………………………………………………………………………………………………………. 24
Qodobka 37aad ……………………………………………………………………………………….. 25
Dammaanadaha Xukuumadda………………………………………………………………………… 25
Qodobka 38aad ……………………………………………………………………………………….. 25
Haykalka Maareynta Deeqaha iyo ………………………………………………………………….. 25
Waajibaadka Hay’adaha aan Dawliga ahayn ………………………………………………….. 25
Qodobka 39aad ……………………………………………………………………………………….. 26
Amaahda Wakaaladaha iyo Mashaariicda Dawladda …………………………………….. 26
Qodobka 40aad ……………………………………………………………………………………….. 26
Diiwaangalinta Hantida Maaliyadeed iyo Deymaha ………………………………………. 26
QAYBTA 6AAD …………………………………………………………………………………………. 27
MAAMULKA LACAGTA CADDAANKA AH IYO HABEYNTA BANGIYADA
……………………………………………………………………………………………………………….. 27
Qodobka 41aad ……………………………………………………………………………………….. 27
Maamulka Lacagta Caddaanka ah (Cash) ………………………………………………………. 27
Qodobka 42aad ……………………………………………………………………………………….. 27
Habeynta Bangiyada ……………………………………………………………………………………….. 27
QAYBTA 7AAD …………………………………………………………………………………………. 28
XISAABAADKA IYO WARBIXINTA …………………………………………………………. 28
Qodobka 43 aad ……………………………………………………………………………………… 28
Hal-beegga Nidaamka Xisaabeed iyo …………………………………………………………….. 28
Qaab-dhismeedka Xisaabaadka ……………………………………………………………………… 28
Qodobka 44aad ……………………………………………………………………………………….. 28
Warbixinada Sannadka Gudihiisa …………………………………………………………………… 28
Qodobka 45aad ……………………………………………………………………………………….. 29
Bayaanka Maaliyadeed ee Sannadle (Annual Financial Statement) iyo
Baaritaanka Dibedda (External Audit) ……………………………………………………………. 29
Qodobka 46aad ……………………………………………………………………………………….. 30
Ilaalinta Gudaha (Internal Control) …………………………………………………………………. 30 iyo Baarista (Audit) …………………………………………………………………………………………. 30 QAYBTA 8AAD …………………………………………………………………………………………. 30
NIDAAMKA KHAASKA AH EE ……………………………………………………………….. 30
WAKAALADAHA / SHARIKADAHA DAWLADDA ………………………………….. 30
Qodobka 47aad ……………………………………………………………………………………….. 30
Xeer-nidaamiyaha Korjoogteynta Maaliyadda ……………………………………………….. 30
Qodobka 48aad ……………………………………………………………………………………….. 31
Qorshooyinka Maaliyadeed …………………………………………………………………………….. 31 ee Wakaaldaha / Shirkadaha Dawladda ………………………………………………………… 31
Qodobka 49aad ……………………………………………………………………………………….. 31
Warbixinta Sannadka Gudihiisa iyo Bayaan-Maaliyadeedka …………………………. 31 ee Wakaaladaha/Sharikadaha Dawladda ……………………………………………………….. 31 QAYBTA 9AAD …………………………………………………………………………………………. 32
HANTIDA DANTA GUUD ………………………………………………………………………. 32
Qodobka 50aad ……………………………………………………………………………………….. 32
Qeexidda Danta Guud …………………………………………………………………………………….. 32
Qodobka 51aad ……………………………………………………………………………………….. 33
Hanti Kale ee Dawladda ………………………………………………………………………………….. 33
QAYBTA 10aad ………………………………………………………………………………………. 33
Xayiraadaha …………………………………………………………………………………………… 33
Qodobka 52aad …………………………………………………………………………………….. 33
Masuuliyad-Maaliyadeedka Shakhsiga ah ……………………………………………………… 33 ee Sarkaalka Idman …………………………………………………………………………………………. 33
Qodobka 53aad ……………………………………………………………………………………….. 34
Xayiraadda Hay’adaha …………………………………………………………………………………….. 34
Qodobka 54aad ……………………………………………………………………………………….. 34
Soo-celinta Lacagta kharash bixin qalad ku Baxday ……………………………………… 34
Qodobka 55aad ……………………………………………………………………………………….. 35
Dembiyada iyo Ciqaabaadka ………………………………………………………………………….. 35
Qodobka 56aad ……………………………………………………………………………………….. 35
Cadeymaha Diwaangelinta Elektroniga ………………………………………………………….. 35
QAYBTA 11 AAD ………………………………………………………………………………………. 36
MAAMULKA DAKHLIGA KHEYRAADKA DABIICIGA ……………………………… 36
Qodobka 57aad ……………………………………………………………………………………….. 36
Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ………………………………………………………………………. 36
Qodobka 58aad ……………………………………………………………………………………….. 36
Uruurinta iyo Dhigista Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ah ……………………………. 36
Qodobka 59aad …………………………………………………………………………………….. 36
Wadaagga Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ……………………………………………………. 36
Qodobka 60aad ……………………………………………………………………………………….. 37
Warbixinada Xisaabta Dakhliga Kheyraadka Dabiiciga ………………………………….. 37
Qodobka 61aad ……………………………………………………………………………………….. 38
Keydinta Dakhliga Kheyraadka Dhabiiciga …………………………………………………….. 38
QAYBTA 12AAD ……………………………………………………………………………………….. 38
GEBEGABADA IYO KU-DHAQANKA KU-MEELGAARKA AH………………….. 38
Qodobka 62aad ……………………………………………………………………………………….. 38
Xeerarka Dhaqangelinta Sharcigan ………………………………………………………………… 38
Qodobka 63aad ……………………………………………………………………………………….. 38
Dhaqan-Galka ………………………………………………………………………………………………….. 38
Qodobka 64aad ……………………………………………………………………………………….. 39
Baabi’in ……………………………………………………………………………………………………………. 39