Xuquuqda aadanaha waa damaanad qaad sharuucda caalami ah ee lagu difaacayo lahaansha qof, kooxo ama guud ahaan aadanaha ku nool dunida gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay, haweenka, caruurta, qaxootiga, barakacayaasha, dadka naafada ah, iyo dadka dalka loogu yimidka sida ku qeexan shuruucda, heshiisyada iyo baratakoolada caalamiga.
XUQUUQDA AADANAHA WAXAA LAGU SOO KOOBAA LABO QEYBOOD:
A:- Qeybta 1-aad waa xuquuq uu aadanuhu la dhasho sida :
- Xaqa xuriyadda asaasiga ah. مقالة عمر بن خطاب رضي الله متى استعبدتم الناس وقد ولدتهم أمعاتهم أحرارا
- Xaqa karaamada aadanaha. قال تعالى- ولقد كرمنا بني آدم وحملناهم في البر والبحر
B:- Qeybta 2-aad waa xuquuq uu aadanuhu ku kasbado sharuucda dalkiisa iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Shuruucda dalka waxaa ka mid ah :
- shuruucda dalka waxaa ugu horeeya shareecada islaamka.
- dastuurka dalka oo isna waafaqsan shareecada islaamka.
- xeerarka kale ee uu baarlamaanku soo saaro.
Shuruucda Caalamiga ah waxaa ka mid ah :
- shuruucda ay soomaaliya qeyb ka tahay
- heshiisyada iyo baratakoolada caalamiga ah ee ay soomaaliya qeyb ka tahay
- shuruucda iyo heshiisyada goboleed ee ay soomaaliya qeyb ka tahay.
Hadaba, shuruucda dalka iyo shuruucda kale ee caalamiga ah ee kor ku xusan qof kasta wuxuu ku kasbanayaa inuu ku helo dhamaan xuquuqda ku xusan shuuruucda ee laga ma maarmaanka u ah noloshiisa, sida :
xuquuqda waxbarashada, xuquuqda caafimaadka, xuriyada xuriyada, xuquuqda shaqada, xuquuqda nabadda iyo badbaadada iyo xuquuqda kale ee uu aadanuhu baahan yahay, qof kastana wuxuu xaq u leeyahay in uu sheegto dhamaan xuquuqdaasi,
Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta uu ilaaliyo xuquuqda dadka kale si loo ilaaliyo xuquuqdiisa.
Waxaa Diyaariyey :
Axmed Cabdi Cumar (Borille)
Agaasimaha Waaxda Xuquuqda Aadanaha WHHXA
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya