Tan iyo markii ay dalka ka bilowdeen ururka diinteena suuban ka been abuurtay ee Khawaarijta, waxay gabood-falo guracan ka geysteen dalkeenna magaalo iyo miyiba.
Cabsi gelin iyo handadaad ayey ku bilowdeen iyagoo qurgooyo iyo ficilo xun dadka ku sameynayey, muddo kadib markii ay sii ballaarteenna waxay bilaabeen in ay ummadda baadaan oo ay ugu yeeraan sikaawaad taasoo baal marsan diinteenna wanaagsan iyo sunnaha Rasuulkeena nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxay curyaamiyeen kumanaan carruur Soomaaliyeed oo soo hanaqaadaeyey, haween iyo dad reer miyi ah.
Dowladdeena oo garab weyn ka heshay dowladaha garab siinayo ayaa bilowday in ay magaalooyinka waa-weyn ka saaraan, kadib khawaarijta maxay ku dhuumaaleysan jireen dhulka miyiga ah ee dhirtu ku badantahay, halkaasi oo ay dadka xoola dhaqatada ah iyo beeraleyda ay dhibaato ba’an ku hayeen.
Dadka reer miyiga ah ee inta badan noloshooda ku tiirsantahay xoolaha nool iyo beeraha ayaa u adkeysan kari waayey dhibta ay ku hayaan kooxaha Khawaarijta ah ee haraadiga ku ah miyiga Soomaaliya, kooxdaan oo bilowday in ay ummadda ka bartilmaameedsadaan nolosha aas-aasiga ah oo ay aasaan ceelasha biyaha, oo ay sameeyaan jid-gooyo, carrurrtana ay kaxeystaan, hablahana khasab ku guursadaan.
Dhibaatooyinkaa iyo kuwo kaloo badan oo isbiirsaday waxaa u adkeysan waayey dadka reer miyiga oo horaan ba dadkaan arxanka daran khaatiyan ka joogay, deegaanno badan oo bartamaha Soomaaliya ah ayaa laga dareemay dhaqdhaqaaqyo kacdoon oo kasoo horjeeda kooxdaan cadowga ah ayaa iskood isu abaabulay kaasoo guulo badan laga gaaray kooxdaan taagta daran ilaa ay isaga baxaan bartamaha Soomaaliya meelaha ugu muhiimsanaa iyagoo ku yaaban meelo dhif iyo naadir ah oo ay moodaan in ay gabbaad u tahay balse aanan looga harayn oo wali lasii baacsanayo.
Yar iyo weyn iyadoo aanan loo kala hadhin ayaa dagaal toos ah lagu qaaday, is-abaabulkaasi wuxuu la magac baxay Macawiisleey oo ah ciidan naf hurayaal ah oo deegaanka u dhashay waxaan garab weyn siinayey oo ka garab dagaalamayey, geesiyada aan nacabka iyo gumeysiga u nixin ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyreed.
Dedaalkaasi bilowday sanadkii tegey badhtamihiisii oo ay bilaabeen dadka deegaanka kadibna dowladda Soomaaliya hub, ciidan iyo saanadba la garab istaagtay waxaa laga guuleystay kooxdii iftiinkooda sii dhacayey, waxana la ogaaday in ay ba ahaayeen “adoo deyrsanayey mar ma lagaaga daray” deegaankastana waxaa looga dhawaaqay in lagu jihaado kuwaan diinta ka been sheegay, iyadoo dowladdeenu iclaamisay dagaal ka dhan ah Alsheydaan in lagu qaado meel walba ay dalka ka joogaan.
Markii ay ogaadeen in uu gabbalkoodu dhacay ayey waxay bilaabeen in ay af-duub sameeyaan iyagoo kala jeeda in ay qabaa’ilka heshiis xoog ah kaga dalbadaan, waxaana jirta in ay beerahii oo barwaaqo sooran ah laga goosan kari waayey oo ay dadka arqalad ku hayaan.
Dagaalkaan oo ka bilowday Hiiraan oo gaaray dhammaan deegaannada Hirshabeele ugu dambeyn wuxuu gaaray Galgaduud iyo Mudug isagoo markii dambe dalka dhan ka hana qaaday.
Dalka Edatorial