Gaalkacyo.(SONNA)…Mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug,Saraakil iyo kan Degmada Gaalkacyo ayaa ka qeybgalay xiritaanka tababarka aqoonkororsi ah oo ay ka qeybgaleen saraakiil ka tirsan ciidanka Boliiska ee maamulkaasi.
Tababarkaan oo socanayay muddo 12 cisho ah waxaa lagu baranaayey habraaca ka hortagga dambiyada iyo baaristooda,waxaana xiritaankii ka qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caddaalada Maxamuud Guure Guuleed, taliyaha saldhiga Booliiska Dagmada Galkacyo labo xidigle Cali Xirsi Sahal ,taliye xigeenka qeybta Boliiska Gobalka gaashaanle Maxamed Xasan Warsame .
Taliyaha Saldhiga Booliiska Dagmada Gaalkacyo labo xidigle cali xirsi sahal, ayaa ka mahad celiyay tababarka ay bixiyeen qareenno ka socday dowlada fadaraalka soomaaliya ee la siiyay saraakiisha boliiska dagmada gaalkacyo ,wuxuuna kula dar daarmay saraakiisha in howshooda ay ku dabbaqaan aqoonta durugsan ee ay ku qaateen tababarkaasi.
Waxaa kaloo xiritaankii tababarkaasi goob joogayaaal ka ahaa xeer ilaaliyaha qeybta 21aad G/sare Cabdullaahi Maxamed Muuse keyse ,Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Mudug avv C/risaaq Cali Yuusuf, xeer ilaaliyaha Maxkamada avv Cabdi Xakiim Maxamed Xirsi iyo kuwo kale.