Ummad kasta marka ya fekeraan oo ay gartaan waxa ka maqan Meesha ay jiraan si loo helo baadida maqan waxay qorsheeyaan ama meel isla dhigaan in la helo amni iyo kala dambeyn si loo qabto shirar looga hadlayo arrimaha loo baahan yahay.
Horumarka nabaddu waa midka ugu horreeya qorsheyaasha kala duwan ee horumarka , gogosha lagu wada hadlayo, shorarka wada tashiga si ay u noqdaan kuwo madaxbannaan oo aan ka cabsaneyn suuqyada iyo waddooyinka .
Waxaa waajib ah in la dejiyo qaacido nabadeed iyo amnio o muwaadinku danahiisa kaga fekeri karo waxayna arrintaa u baahan tahay feker iyo wada tashi wadajir ah .
Xaaladaha amniga ma aha kuwo hal gacan wax lagu xasilin karo waana in marka hore xukuumaddu ciidan u diyaarisaa kaas oo ah mid u taagan xaaladda amniga magaalooyinka iyo degaamada mar kasta oo loo baahdana laga heli karo telefanno u gaar ah lana dejiyo baro u gaar ah oo ay ka gurman karaan.
Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in la soo celiyo roondadii habeenkii wareegi jirtay ayna helaan xiriir bulshada dhexdeeda ah ayna yihiin kuwo u tababaran la shaqeynta dadweynaha soona jiidan kara bulshada qeybaheeda kala duwan.
Ciidanka ammaanka waa kuwo ka duwan ciidamada kale o oleh xirfad aqooneed oo isdhexgalka bulshada isla markaana la socon kara wax kasta oo ka dhex jira waana in ciidankaasi yeeshaan saldhigyo gaar ah toos ugu ixrnaadaan goobaha lagu lafa gurayo arrimaha amniga.
Si loo yareeyo qarashka waa in la soo kobo goobaha shirarka ee ay ciidankaasi mas’uul ka ha yihiin haddii ay goobahaasi bataana waxaa badaneysa baahida amniga .
Ciidankani waa in ay helaan guddiyo kala sarreeeya oo kala heer heer ah ilaa heer gobol waana in ay yeeshaan calaamado u gaar ah oo xitaa ciidamada kale ku aqoonsan karaan.
Ciidanka xasilintu waa in ay ka kooban yihiin dad waayo arag ah waana in ay helaan wacyigalin dheeraad ah ayna guddiyada amnigu si joogto ah ula socdaan xaaladdooda siiba qaabka shaqada iyo wax kasta oo ku soo kordha.
Aminiga la’aantii waa aqoon la’aan iyo dhibaato waana kalsooni darro sidaas darteed waa in amnigu noqdaa waxa ugu horreeya eel aga shaqeeyo ka hor arrimaha kale oo dhan.
WQ; Abwaan Gabayre