Xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.

Raggan oo muddo 6-sano ah ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa lagu kala magacaabaa, Cabdulqaadir Yuusuf Aadan iyo  Salaad Maxamed, iyagoo ka qeyb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobollada dalka.

Labadaan nin ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen dhibaatada ay la kulmeyso Khawaarijtii ay ka tirsanaayeen, taas oo ku qasabtay inay ka soo haraan jidkii qaldanaa ee Khawaarijta oo dowladda Soomaaliyeed iyo dadkooda ay cafis weydiistaan.