Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo maalmihii u dambeeyey sababay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweynaha Xasan ayaa sidoo kale tacsi u diray Ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed dhibaatada soo gaartay,Madaxweyne Xasan ayaa yiri” Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda hadaan ahay wax aan diyaar u ahay meelkasta oo Nabaddaas looga hadlayo iyo cidkasta oo Nabaddaas in ay ka hadasho jecel ba in aan garab taaganahay”.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay in waxgaradka,Siyaasiyiinta,ganacsatada,odayaasha dhaqanka iyo Culimadu gacan ka geystaan sidii loo joojin lahaa dagaalka isagoo dhanka kale faray in la dhigo hubka lana ixtiraamo rabitaanka dadka.

Madaxweyne Xasan ayaa carabka ku adkeeyey in aan marnaba la aqbali karin dhiig Soomaaliyeed oo daata.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu baaq u diray odayaasha dhaqanka,masuuliyiinta iyo dowlad goboleedka Puntland in ay ilaashadaan Nabadda xaliyaana wixii tabashooyin ah lagana fogaado in dhibaato dhacdo.

” Dowladda Federaalka marna ma aqbalayso in Mushkiladaha dhexdeena yaal lagu xaliyo qori” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.