Dowladaha Burindi iyo Thailand oo safiirro usoo magacaabay Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa  warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Burundi H.E Ms. Evelyne Habonimana iyo Danjiraha Boqortooyada Thailand H.E Ms. Sasirit Tangulrat.

Wasiir Huruuse iyo Danjiraha cusub ee dalka Burundi ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale Wasiirka ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka dalka Boqortooyada Thailand Ms. Sasirit Tangulrat, waxanay labada mas’uul si kooban isula soo qaadeen Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Waxbarashada,  Caafimaadka, ganacsiga, horumarinta xirfadaha iyo warshadaha yar yar ee cuntada iyo adeegyada kale lagu farsameeyo.

Soomaaliya iyo Thailand ayaa horay u lahaa xiriir diblomaasiyadeed, balse labada dawladood ma lahayn wax safiirro ah oo ay is dhaafsadeen wixii ka dammeeyay dagaalkii sokeeyey 1991.