Dhuusmareeb- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo uu wehliyo wasiiru dowlaha Gaashaandhigga iyo Wasiirka Cadaaladda Galmudug ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Kulanka ayaa looga hadlay baahiyaha bulshada Reer Baxdo u qabaan Cadaaladda iyo garsoorka, iyagoona wasiirka la wadaagay, wasiirka Cadaaladda ayaana bulshada u sheegay in dowladdu ka jawaabeyso intii ay awoodo baahiyaha bulshadu soo bandhigeen.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo dhawan gaaray Galmudug ayaa kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka iyo mas’uuliyiinta dowladd goboleedka Galmudug, waxaana diiradda lagu saaraya kulamadaas dadaallada lagu daadajinayo nidaamka garsoorka, isla markaana qiimeyn guud ku in lagu sameeyo heerka caddaaladd deegaanada laga xoreeyay khawaarijta.