Wasiir dowlaha Amniga XFS oo uu wehliyo taliyaha ciidanka Booliiska ayaa xariga ka jaray Saldhiga degmada Waaberi oo dib u dhis lagu sameeyey

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga XFS, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo ku-xigeenadiisa ayaa ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayay Saldhigga Cusub ee Degmada waabari oo lagu sameeyey dib u dhis casri ah.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale dhagax dhigay Qeybta baarista dambiya” CID-da”ciidanka Booliska Soomaaliyed oo lagu kordhinayo qeybo Cusub.

mashruuc lagu dhisayo qeybtan cusub ayaa waxa dowladda Soomaliya ka taageeraya dowladaha Ingiriiska iyo Germany.