Waxaan maqaalkaan ugu hadli doonaa Khawaarijta ama xagjirnimadda nooceeda diimeed ama loo yaqaano burcad Diimeedka iyo khatarta ay ku hayso guud ahaan ummudda Muslimiinta iyo ka been sheegidda Diinta Islaamka, Waxaan ifindoonaa hadalkii Culimaa u diinka Soomaaliyeed ay ku cadeeyeen in ay fikradda qaldan ee khawaarijta ay meel ka soo galaynin diinta suuban ee islaamka iyo astaamaha astaamaha ay xagjirnimaddu leedahay iyo waxa lagu garto qofka xagjirka ah ama khawaarijta ah.
Xagjirnimaddu waxay weligeed ahayd cudur soo jireen ah oo sabab u noqda in Ummadda lagu laayo maga diinta suuban ee Islaamka, Waxaan shaki ku jirin in Ummadda Soomaaliyeed la soo daristay xagjirnamadu ayna saldhig u tahay dhiiga xurmadda leh ee sida aan kala go’a hayn u daadanayaan Kooxda Argagixisada ah eeku qaraabata ama gabaad ka dhigata diinta islaam.
Xagjirnadu waxay gaartey baarkeedi ugu sareeyay horay waxay waxay umadda Soomaaliyeed u soo joogtay in ay khawaarijta banaysato dhiigga Muslimiinta iyaga oo aan u kala soo waayeel, caruur, dumar, aqoonyahay, culimaa’udiin balse hadda waxay ku dareen in ay ugaarsadaan oo ay laayaan xoolihii maahinka ahaa ee la dhaqanaayey waxay umadda Soomaaliyeed ay wada ogtahay in ay argigixisadu ay halmaalin gudaheed ku dhawaad300 oo nee foo ari ah ku gowraceen bariga gobolka Hiiraan, taa oo cadaynayso ama muujinayso in ay ka dhamaatay awoodii ay ku xasuuqu jireen ummadda Soomaaliyeed.
Khawaarijta waxay diinta islaamka magaceeda ku xasuuqeen Culimadii iyo biri ma geydadii, isla markaasna ay ku faanaan in daadashada dhiiga xurmada leh lagu gaarayo raali ahaanshada Rabbi iyo shahiidnimo! Xagjirnadu waxay soo ifbaxday markii ay Khawwarijtu sheegeen in Nebi Muxammad (Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee) in uusan caddaalad samayn! Waa yaabe haddii uusan Nebigii Rabbi soo dirsaday ee risaalada lagu aaminay uusan cadaalad sameyn yaa laga sugayaa in uu cadaalad sameeyo.
Sido kale waxay sheegeen Culimada Islaamka in ay Xagjirnimadu ama Khawaarijta soo bilaabantay markii Cali Ibnu Abii Daalib oo ka mid ahaa khulafa’uraashidiinka ahaana qofkii ugu horeeyay isaga oo nool Jannsda iyo Rabbi raali ahaanshihiis loogu bishaareeyey ay Khawaarijta u dileen si gal darro ah iyaga oo wali ku faanay in ay ku Janno tagayaan dhiigiiisa.
Xagjirnamadu dalkeena Soomaaliya waxa si bareer ah uga soo ifbaxday markii Kooxda Arxan laaweyaasha ah ay dhiiga Culimada iyo dadka diinta fidinteeda ku cireystay si aan gabasho la hayn ay u daadiyeen, iyaggoo ku andacoonaya in lagu Janno tegayo.
Xagjirnadda iyo khatarta ay leedahay Qur’aanka iyo Axaadiista Nebbi Maxamed NNKH aad ayay uga hadleen, waxaana laga qoray kutub aad u fara badan si ummadda looga badbaadiyo cudurkaan wax-ma reebaha ah ee laynaayo dadka diinta ahelka u ah.
Rabbi isaga oo la hadlaya reer banii Israa’iil ayuu ku yiri: “Kuwa kitaabka la siiyeyow, ha ku dhicinnina xagjirnimo diimeed” (Nisaa, 171).
Xaddiis saxiix ah wuxuu Nebigeenu ku yiri (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha haatee): “War iska jira xagjirnimadda diimeed, maxaa yeelay ummadihii hore waxay ku haligmeen xagjirnimo diimeey.
Ibnu Mascuud (Rabbi ha ka raali noqdee) wuxuu Nebiga (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaato) ka weriyey in uu yiri: “Waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku, waa halaagsameen xagjirku” (Saxiix Muslim) Saddex jeer ayuu Nebbigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ku cel-celiyey khatarta ay leedahay xagjirnimadu darteed.
Xagjirnaddu waxay la macno tahay xad-gudub oo ah in qofku uu talaabo soohdinata la ogolyahay, Waxaa lid u ah dhex-dhexaadnimada oo ah in qofku ku ekaado xuduuda ama soohdinta sharciga ah oo uusan ka gaabin ama uusan talaabin xuduudada Allah u asteeyey sida Nebigu (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) uu yiri: “Rabbi wuxuu idinka rabaa waajibaad ee ha dayicinnina, wuxuuna idiin xadeeyey xuduud ee ha gudbinina” (Bukhaari iyo Muslim.
Culimada Soomaaliyeed waxay cadeeyeen in fakarka argigixisada ay ku xasuuqayaan umadda Muslimiinta aan sal iyo raad toona ku lahayn diinta islaamka waxayna sheegeen in ay banaantahay in lala diriro oo liska dhiciyo argigixisada, majirta maanta sabab ay dadkeena iyi hantida ummadda Muslimiinta ah ay u sii xasuuuqaan waa in lala diriro oo liska celiyo maadaama uu dhiigooda banaanyahay.
W/Q: Wargayska Dalka