Wasiiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay Madax ka tirsan Safaaradda Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene), ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorsheynta ku qaabilay u qaabilsanaha Safaaradda Norway ee Soomaaliya Mudane Haakon Svane iyo Madaxa Xirrirka Iskaashiga Horumarinta Mudane Erling hess Johnsen.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen Agaasimaha Guud wasaaradda Qorsheynta iyo Madaxa Xafiiska Isu-duwida Deeqaha iyo Barnaamijyada ayaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyadda dowladda Norway ay ku taageereeyso Soomaaliya, iyadoo la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP-9 iyo mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Norway ku taageerto Soomaaliya

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay in la dardar-galiyo mashaariicda xasilinta ee goboladda dhawaan laga xorreeyey khawarijta, iyadoo taageerada lagu salleeynayo waxyaabaha mudnaanta u leh dalka Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud iyo Mas’uuliyiinta safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa isla meeldhigay in mashaariicda kala duwan ee la qorsheynayo iyo howlaha socda sidii wadajir loogu hergalin lahaa.