Wasiirka qorsheynta X.F.S oo qaabilay wafdi ka socday EAC

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Maxamuud Cabdiraxman Sheekh Faarax (Beenebeene),  ayaa maanta ku qaabbilay xafiiskiisa  wafdi ka socday Wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo EAC.

Wafdigan ayaa dalka u yimid in ay qiimeeyaan sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay ku biirista Ururka EAC iyo sida ay uga faa’iidaysan karto ganacsiga, xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo muhiimadda xiriir adag oo ay la yeelato dalalka  ku bahoobay Urur gobaleedka EAC.

Wafdigan ayaa  waxay isugu jireen khubaro iyo farsamo-yaqaano sar-sare, kuwaas oo ka kala socday  dhammaan waddamada xubnaha ka ah Urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.