Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo la kulmay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Kulan la qaatay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ahna isku duwaha horumarinta iyo Bani’aadanimada  Mr Adam Abdelmoula iyo madaxa Hayadda UN OCHA Justin Brady.

Guddoomiyaha ayaa  Ergayga Q.M iyo Madaxa Hayadda UN OCHA kala hadlay guud ahaan xaaladda bani’aadanimo ee dalka ku suganyahay iyo sidii wada shaqeyn dhow looga yeelan laahaa gargaar gaarsiinta goobaha laga xureeyay kooxaha Khawaarij-ta

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey  Mr Adam Abdelmoula iyo Madaxa Hayadda UN OCHA Justin Brady ayaa ku bogaaday hay’adda SODMA dadaalka ay muujiyeen si gargaar  loo gaarsiiyo dadka ay dagaalada iyo abaabaruhu samaayeen, ayidoo hay’addu shaqeyneyso muddo kooban waxeyna u balan qaadeen in ay sii wedi doonaan wada shaqeeynta dhow ee ay la leeyihiin hay’adda SoDMA iyo dhamaan hay’adda Dowlada ee ka shaqeeyo arrimaha Bin’aadanimada  si dalka looga badaadiyo in ay macluul ka dilaacdo.