Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay Kulan dhex maray Maamulka Gobolka iyo hey’adda UNOPS

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure ayaa shir guddoomiyay Kulan Laba geesood ah oo dhex maray Gobolka Banaadir, iyo hey’adda UNOPS.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa G/ku xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir mudane Xasan Jimcaale, iyada oo looga hadlay arrimo la xiriira dhismaha kaabayaasha Gobolka Banaadir iyo xoojinta wada shaqeynta UNOPS & Gobolka Banaadir.

Ugu danbeyntii waxaa la isku afgartay in wadashaqeynta uu saldhigeedu ahaado qorshaha shanta sannadood  ee Gobolka Banaadir & howlaha horumarineed ee Degmooyinka Gobolka.