Wasiirka Shaqada iyo Arrimha Bulshada XFS oo ka qeybgalay Shirka Golaha Wasiirada Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta

Wasiirka Shaqada Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqa ku joogay Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar  ayaa halkaasi kaga qeybgalay Shirka Golaha Wasiirada Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta

Shirka waxaa diiradda lagu saaray arrimaha la xidhiidha cidhibtirka saboolnimada, daryeelka dadka baahiyaha gaar ka ah qaba  iyo horumarinta ilaalin iyo adkaysiga bulshada waxaana Gunaanadka shirka oo si guul ah ku soo idlaaday lagu dhisay Guddiga Fulinta ee Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Carabta oo ka kooban toddoba (7) dal oo Soomaaliya ka mid tahay.

“Sharaf wayn ayay inoo tahay in aan ka mid noqono, dal ahaan, hoggaanka Golahan, oo ah Golaha lagu soo dejiyo barnaamijyada iyo ajendayaasha mudnaanta leh ee la xidhiidha Arrimaha Bulshada”. Sidaa ayuu yiri wasiir Biixi Iimaan Cige

Wasiirka ayaa sidoo kale shir doceedyo la qaatay madaxda shirka ka qeyb gashay kuwaa oo ay kamid ahayeen Wasiirka Shaqada ee Dawlada Qatar, Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada ee Boqortooyada Sucuudiga, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Qatar, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Dalka Libya, Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Yemen, Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee Dawladda Qatar kuwa oo ay ka wada hadleeyn iskaashiga  arrimaha horumarinta Bulshada, shaqa abuurka, kobcinta awoodaha aadamah