Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiiru dowlihii Wasaaradda Gaadiidka Galmudug

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed iyo reer Galmudug geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Farxiya Cabdi Maxamed oo aheyd Wasiiro dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Galmudug oo  kooxda khawaarijtu ku dileen Magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada Marxuum Farxiya Cabdi Maxamed, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu janadii firdowsa ka waraabiyo Marxuumada, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo qaraabada ay ka baxday.

Innaa Lillaahi wa Inaa Ieyhi Raajicuun.