Ra’iisal wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.