Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo loo magacaabay Ganaraal Sulub Axmed Firin

Shirka khamiislaha ee Golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Ganaraal Sulub Axmed Firin loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Sulub Axmed Firin ayaa bedalay Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ku dhawaad muddo afar sano ah hayey xilka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.