Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kula kulmay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Dr. Cali bin Samikh iyo wasiirka horumarinta arrimaha bulshada ee dalka Sacuudiga mudaneĀ Axmed Bin Suleymaan .
wasiirka ayaa kala hadlay wasiirada Qatar iyo sacuudiga xoojinta xiriirka iyo ka wada shaqaynta arrimaha la xiriira dhinacyada shaqada, horumarinta xirfadaha shaqaalaha iyo is dhaafsiga khibradaha.
Wasiir Biihi ayaa magaalada Dooxa ugu qeyb galaya kalfadhiga 42-aad ee golaha wasiirada Carabta u qaabilsan arrimaha bulshada.