Fanka Soomaaliyeed oo heerar kala duwan soo maray ayaa wuxuu doorkiisa si wacan u muuqday 70-kii markii la mideeyay fanaaniinta Raadiyo Muqdisho
Iyo xoogga dalka looguna magac daray Hobollada Waaberi waxay ahaayeen horseedka fanka dalka.
Waxaa dhismay qeybo kale oo fan ah, kuwaas oo wax ku ool ahaa, sida kooxdii Heegan ee Ciidanka Boliiska, Horseed, Danan, Onkod, Iftin iyo Xasuus, fanaaniintaas ayaa soo bandhigi jiray Riwaayado ka turjumi jiray xaaladaha markaas taagan iyo wacyigelinta bulshada.
Kooxahii berisamaadka ee ka jiray dalka ayaa kaalin muuqata ka soo qaatay guubaabada ciidammada waddaniyadda iyo maaweelada jaceylka dad weynaha, waxaa barbar socotay tusaaleyn iyo baraarujin bulshada dhanka dhismaha nadaafadda waxbarashada wax-soo saarka iyo waddaniyadda.
Fanka sidiisaba waxaa uu udub dhaxaad u yahay baraarujinta iyo wacyigelinta bulshada maaweelo ka sokoow waxaa loo adeegsadaa tubta horumarinta mashaariicda iyo ku guubaabinta bulshada, ka qeyb galka howlaha horumarinta dalka, ruwaayadda raadiyaha iyo sheekooyin murti leh ee fanaaniinta gudbiyaan ayaa ah mid run ahaantii tusaale u noqota bulshada fanka marna loogama maarmo wacyigelinta iyo soo bandhigidda taariikhdii gobonnima doonka iwm.
Inkastoo fanka soomaaliyeed uu la mid ahaa burburkii dalka haleelay haddana waa lama huraan in dib boorka looga jafo loona adeegsado dhanka wacan.
Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa waxay xuddun u ahayd curinta iyo soo saarka fanka dhaqanka iyo hiddaha soomaalida.
Waxaa ka howl geli jiray fannaaniin fanka ku xeel dheer oo Isugu jiray, heesaa, laxamiiste, mu’allif, gabyaa abwaanno u go’doomay soo saarka ruwaayadaha dhaxalgal noqday sidooi kale, golaha murtida waxa uu ahaa goob l agu qabto xuska qaranka, munaasabado gaar ah barnaamijka kedis, barnaamijyo aqooneed oo wax badan laga kororsan jiray iyo weliba heesahii hirgalay.
Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada ayaa haatan dib loo yagleelay, waxaana looga fadhiyaa inay qabato howlihii looga bartay ee wacyigelinta dadweynaha
W/Q: Ibaraahim Abokor Fanax