BAJAAJTA OO DHAQAALE IYO SHAQO ABUUR U NOQOTAY QOYSAS BADAN OO SOOMAALIYEED

Ka sokow in mooto bajaajtu Mudisho ka tahay gaadiidka ugu badan uguna dhibka badan  hadana waxay kaalin kaga jirtaa dhaqaalaha iyo nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo daqli ahaan ku tiirsan noloshana ka soo saarata waxayna shaqo abuur u noqotay kumanaan dhallinyaro ah oo aan hore u heysan shaqooyin .

Dhallinyaradan waxay hadda illaaween noloshii shaqo la’aan iyo meel fadhiga oo in badan oo ka mid ah u horseedi jirtay caadeysiga maandooriyaasha ay ku jiraan qaadka iyo kuwo kale sidii kalena waxay kaga badbaadeen falalka xun xun sida tuugeysiga iyo dhaca.’

Faadumo Cabdi waa haweeeny ku nool Muqdisho oo leh dhowr carruur ah isla markaana seygeedu hore shaqo u heynin waxayna sheegtya in ay dhqaaale  weydiisteen dad ay qaraabo yihiin ka dibna ay ay mooto bajaaj ku iibsadeen

“Nikeygu hadda wuxuu noogu shaqeeyaa mootadaas biilka qoyskana waa noogu filan yahay “ ayey Tiri Faadumo oo shhegtay in ay qoys ahaan mahadiyeen dadkaa gacanta siiyey iyo mootada uu aabhahu reerka ugu shaqeeeyi haatan.

Hooyadaas waxay sheegtay in maalin walba mootadooda looga keeno toban Doolar oo biilkooda ah iyo wixii dheeraad ah oo ay meel u dhigaan mootada si haddii ay dhibaato ku timaado ugu dayactiraan waxayna sheegtay in ay haatan ka baxeen ciriirigii dhaqaale ee ay ku jireen .

“ Haatan waxaan nahay qoys isku filan oo la cowriyo, seygeeguna haatan waa ka niyad fiican yahay sidii hore waxaana ku faraxsan yahay shaqadiisa” ayey tiri Faadumo.

Cabdi Cismaan Aaadan oo ah aabaha qoyskan oo ku nool Muqdisho ayaa sheegay in bajaajtu u noqotay fursad uu ku shaqeysto oo uu kaga baxay shaqo la’aantii uuna hadda biisho qoyskiisii

”Subax walba marka aan ka soo baxo guriga waxaan ka welweli jiray sida aan wax u heli doono inta bandanna waxaan ku tiirsanaa shaxaad iyo wax la mid ah oo aanan markaas jecleysaneyn inkastoo duruuftu igu qasbi jiraty laakiin hadda waa ka baxay dhibaatadaas waxaana ahay qof niyad leh oo mustaqbal ka fekeraya” ayuu yiri Cabdi.

Haatan wuxuu awood u yeeshay Cabdi Cismaan in uu carruurtiisa geeyo dugsi waxbarasho isla markaana uu ka bixiyo qarashka waxbarashada sidoo kalena kirada guriga uu isaga filnaado.

Cabdi Cismaan ayaa Soomaalida siiba kuwa dibedda ku nool ugu baaqay in ay caawiyaan walaalahooda dalka ku nool oo ay ugu yaraan u sameeyaan shaqo abuur oo qof walba oo dibadeeda ku nool intii uu bil walba wax soo diri lahaa u sameeyo shaqo abuur ha ahaato ganacsi uu u furo ama uu hal bajaaj oo keliya u iibiyo.

Dhammad

WQ; Mohamed Shiil